Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Natiijada baaritaanka suuqa tagaasida oo dowladda maanta loo gacan geliyey

La daabacay onsdag 30 november 2016 kl 12.21
"Tagaasiida suuqa madow baa dhibaato nagu haya"
(3:33 min)
Amy Rader Olsson taxiutredning
Amy Rader Olsson leder taxiutredningen. sawir: Lars Pehrson/TT, Maria Ridderstedt/Sveriges Radio.

Baaritaan manta dowladda loo gacan-geliyey ayaa ku talinaya in  dhaamaan baabuurta tagaasida ah ay wataan qiimo cabiraha la yiraahdo taxameter.

Sannadyadan dembe ayaa waxaa soo baxayey warar ah in uu isku dhexyaac ka taagan suuqa tagaasiida. barritanka maanta natiijadiisa dowladda loo gacangeliyey ayey ujeedadiisa aheyd ka soo talo baxinta sidii lagu hagaajin lahaa suuqa tagaasiida.

Wasiirka kaabayaasha dhaqaalaha Anna Johansson ayaa saakay loo gacan-geliyey baaritaanka suuqa tagaasida(taxiutredningen)

Talooyinka ku jira baaritaanka ayaa kala ah:

  • In dhamaan baabuurta tagaasiida ay wataan waxa la yiraahdo taxameter ama qiime cabiraha.
  • In la sii caddeeyo xeerka haga baabuur isla raaca. Iyadoo baaritaanka ku taliyey in dadka ay isla raaci karaan baabuur lacagna is sasiin karaan balse ruuxa gaariga leh ama wado uusan macaash arrintan ka saameyn karin.

Dhawaanahan waxaa jiray shirkaddo ka hirgeliyey magaalooyinka waaweyn adeegyo tqiimo jaban oo u dhigma taxi oo kale, iyadoo shirkaddaha ayaa ku doodeen in aysan adeegan aheyn mid taxi oo kale balse uu yahay uu yahay baabuur isla raac.

Sidaas daraadeed waxay arrintan dhaleysay suu’aalo badan oo qasab ka dhigtay dowladda in ay baare u saarto arrintan. Natiijada baarintanka oo saakay xukumadda loo gacan.geliyey.

Maanta labada qof ee is taqaana ee inta baabuur isla raacda lacag kala qaadata ma jirto sharci ama xeer haga, baaritaankana waxuu ku taliyey in sidaas loo daayo.

Balse baaritaanka qodobada ku jiraa waxay xaduud cad u kale dhigeen adeega taxi iyo baabuur isla raaca.

  • Baabuur isla raaca dadka is yaqaana ma ahan in xeer loo dejiyo.
  • Dadka aan is aqoonin ee baabuur isla raaca lacag isku celisa ma ahan taxi ahaan in loo arko.
  • Qof baabuurka iska leh ama wada in lacagta uu ka qaadanayo qof uu baabuurka ku wado ma ahan in ujeedadiisa ahaato ka macaash.
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".