Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qiimaha dhaca Karoonku wuxuu dhaawacayaa warshadaha

La daabacay torsdag 1 december 2016 kl 14.56
Hoos u dhaca Karoonka oo dhaawacaya warshadaha dalkaan
(1:03 min)
Dollar och krona
sawir: Claudio Bresciani / TT

Hoos u dhaca dhawaantaan ku yimid lacagta Karoonka ah ee dalkaan Iswiidhan isticmaalo, ayaa horey loo sheegey in uu dan u yahay shirkadaha dalka dibaddiisa wax u dhoofiya, balse dhaqaalayahano ayaa aamisan in taasi dhab aheyn.

Robert Bergqvist oo ah madaxa dhaqaalayahannada bangiga SEB ayaa aaminsan in ridada dheer hoos u dhaca Karoonka ku yimid oo dhaawac u geysan doono warshadaha dalkaan Iswiidhan, wuxuuna yiri isagoo arrinkaas ka hadlaya:

- Waxaan ka baqayaa in hoos u dhaca Karoonku dhibaato xoog leh u geysto dalkaan Iswiidhan.Imminka waxaan khafiifiney culeyska saaran warshada Iswiidhan inagoo ku gabaneyna hoos u dhaca qiimaha Karoonka ku yimid, laakiin aakhirka qiimaha Karoonku waa kii kor u kaca markaasna waxaa warshadaha Iswiidhan soo foodsaari doona culeys aad u baaxadweyn, ayuu yiri Robert Bergqvist oo ah madaxa dhaqaalayahannada bangiga SEB.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".