Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

kumankum qof oo looga baahan yahay suuqa shaqada

La daabacay måndag 5 december 2016 kl 10.16
Mikael Sjöberg:"Waa in ay caruuruhu ka baxaan dugsiga sare"
(1:23 min)
Xafiiska shaqada, Arbetsförmedlingen.
sawir: Maja Suslin/TT

64.000 oo hawlkar ah. Waa tirada qof ay Iswiidhan u baahan tahay sannad walba si ay uga soo baxdo baahida ka jirta suuqa shaqada.

Sidaas ayuu sheegay Mikael Sjöberg agaasimaha guud ee xafiiska shaqada, arbetsförmedlingen, oo baadhitaan arrimahan ku saabsan shaaciyay. 

-Dadka Iswiidhan ku dhasha kuma filna baahida ka jirta suuqa shaqada. Waxaan ku xidhanahay socdaalka iyo dadka waddamada kale ka yimaada, ayuu sheegay Mikael Sjöberg.

Wuxuu u jeeda in isbedelo badan looga baahan yahay suuqa shaqada 10-15 sanno ee soo socda.

-Waa in dhalinyarada waddanku ka baxaan dugsiga sare ee gymnasiet. Sideey xaaladu maanta tahay badanka caruurahan ayaan dhameeystirin waxbarashadan. Tan ayaa ka dhigan in ay ku atkaanayso in ay shaqo helaan, madama ay shaqobixiyaashu ka shaqaaleeysiiyan dadka dugsiga sare ka baxay, ayuu sheegay Mikael Sjöberg agaasimaha guud ee xafiiska shaqada.

Wuxuu u jeeda in mushkiladooyinka ka jira suuqa shaqada, tusaalahan in dadka Iswiidhan ku filneeyn shaqooyinka ka jira waddanka, ka dhigantahay in baahidu ku sii kordhayso socdaalka iyo dadka wadamada kale ka yimid.

Sannadkan aan ku jirno ayaa la filaya in 29.000 oo qof dheeraad ah sharci u soo raadsadaan Iswiidhan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".