Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xildhibaanad SD ka tirsan oo xisbigeedi laga casilay

La daabacay måndag 5 december 2016 kl 15.41
Anna Hagwall xildhibaanad barlamaanka Iswiidhan.
Anna Hagwall xildhibaanad barlamaanka Iswiidhan. sawir: Roger Vikström / TT

Anna Hagwall xildhibaanad barlamaanka u fadhida xisbiga Sverigedemokraterna ayaa laga casilay hawlihii ay u haysay xisbigan.

Sidaas ayaa lugu soo qoray bogga internetka ee SD.

Hasayeeshe ayey Hagwall hore u sheegtay in ay barlamaanka sii fadhiyi doonto inta u wakhtigeedu ku eegyahay ilaa 2018. Tan ayaa ka dhigan in ay noqon doonto xildhibaanad bila xisbi ah, waxaa af-iswiidhishka lugu yidhaahdo ”politisk vilde”

Sababta Hagwall laga joojiyey hawsha ay u haysay SD ayaa ah in ay bishi september soo jeedisay mooshin halkey u jeedo in shirkada Bonnier ka dambeeyaan boqolkii ba 80 wargeeysyadda waddanka. Sido kale ayey sheegtay in qoys keli ah sida Bonnier oo ah shirkad famili iska leeyahay kantarooli karin in ka badan boqolkii ba 50 wargeeysyadda waddanka.

Tan ayaa keentay in dhaleecayn xoog leh loo soo gudbiyay Anna Hagwall halka loo jeedo in ay ka soo horjeedo yuhuuda. Waa diinta qoyska iska leh shirkada Bonnier.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".