Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dab ka kacey Upplands-Bro oo ay dad tobaneeya ahi ku dhaawacmeen

La daabacay tisdag 6 december 2016 kl 10.12
Dab ka kacey Upplands Bro oo tobaneeya qof ku dhaawacmeen
(1:10 min)
brand Upplands Bro
Dab ka dhacey Upplands Bro. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Dhowr iyo toban qof oo qaarkood ay caruur yihiin ayaa isbitaalka loola cararey ka dib markii uu dab ka kacey guri saddex dabakh ah oo ku yaala Upplands-Bro.

Dadkii gurigaas ku noolaa ayaa qaarkood waxay ka soo boodeen balakoonada gurigaas saddexda dabakh ah iyagoo ka cararaya in ay dabka goobtaas ka kacey wax ku noqdaan.

Dabkaan oo bilowdey saacaddu markii ay aheyd saddexdii habeenimo, ayaa 15 daqiiqo ka dib waxaa goobtaas soo gaarey gurmadka ciidamada dabdamiska iyo gaadiid ambalaasyo ah.

Magnus Wallin oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee ciidamada dabdamiska magaalada Stockholm ayaa isagoo arrinkaas ka hadlaya waxaa uu yiri:

-       Dab aad u weyn ayuu ahaa, wax kasta oo aan sameyn karneyna waanu sameyney. Kow iyo toban qof ayaa goobtaas ku dhaawacantay, lix qof ayaa iyaguna qiicii goobtaas ka dhashey waxyeeley, sidoo kalana shan qof ayaa dhaawacyo waxay ka soo gaareen dhabarka iyo surka, ayuu yiri Magnus Wallin oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee ciidamada dabdamiska magaalada Stockholm.

Dhanka kalana ilaa 40 qof ayaa laga daadgureeyey goobihii dariska la ahaa gurigaas dabku qabsadey.

Ilaa iyo hadda lama oga waxa dabkaas sababey balse waxaa socda baaritaano la rabo in lagu ogaado sababihii dhaliyey dabka gurigaas ka dhacey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".