Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Caruuraha ajaanibta oo natiijada waxbarashadoodu hooseeyo

La daabacay tisdag 6 december 2016 kl 11.08
Abdirisaaq Xussein:" Caruuraha waddanka cusub ayey dhibta ugu badani haysa"
(3:31 min)
Baadhitaanka ururka Pisa oo muujinaya in natiijada caruuraha ajaanibta hoos u degtay.
Baadhitaanka ururka Pisa oo muujinaya in natiijada caruuraha ajaanibta hoos u degtay. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Natiijada caruuraha ajaanibta ah ee iskuulka dhexe dhigta ayaa hooseeysa. Sidaas ayuu sheegay baadhitaanka sanadlaha ee ururka Pisa.

Dhanka kale ayaa horumar laga arkay ardayda asal ahaan waddanka u dhashay. Kuwan ayaa kor u qaaday natiijada madooyinka xisaabta iyo fahanka akhriska. Sidaas ayuu muujinaya baadhitaanka sanadlaha ee ururka Pisa.

Tan ayaa ka dhigan in ardayda asal ahaan waddanka u dhashay kor u kiciyeen natiijadooda marka la barbardhigo baadhitaankii hore ee Pisa halka dhaleecayn xoog leh loo soo gudbiyay Iswiidhan ka dib markii la ogaaday in natijada ardayda da´da 15 ka hooseeysay badanka waddamada ka mid ah ururka isbahaysiga dhaqaalaha iyo horumarka ee loo gaabiyo OECD.

Baadhitaankan cusub ayaa sheegaya in ay Iswiidhan hadda gashay kaalinta 28:aad halkey ka ahaan jirtay 38:aad.

Hasayeeshe in kasta ay Iswiidhan kor u qaaday natiijadeeda weli waxaa hooseeysa natiijada caruuraha ajaanibta ah. Faraqa u dhaxeeya ardaydan iyo kuwa asal ahaan waddanka u dhashay ayaa korodhay kana hooseeysa badanka wadamadda ka qeeyb galay baadhitaankan.

Sido kale ayuu faraqa u dhaxeeya caruuraha ugu calaamada sareeya iyo kuwa ugu hooseeya sii korodhay, boqolkii ba 27 ilaa iyo sannadkii 2006:kii.

Ururka Pisa ayaa saadaalinaya in ay waxbarashada iskuulada dhexe ee Iswiidhan shaqo faro badan u baahan tahay. Ururkan ayaa u jeeda in ay Iswiidhan qaabishay qaxooti faro badan oo u baahan wakhtii dheer inta natiijo laga arkii karo.

Waddanka Singapore ayaa sannadkan noqday waddanka ugu natijada waanaagsan 72:a waddan ee ka qeeyb galay baadhitaankan. Singapore waxaa ku xiga waddanka Japan, kaalinta saddexaad waxaa galay waddanka Estoonia.

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".