Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dadywoga dibada ku dhashay oo kor u qaadey tirada shaqeysa

La daabacay onsdag 7 december 2016 kl 10.16
Saadaasha shaqooyinka Iswiidhan
(1:28 min)
Delad bild: En skylt till Arbetsförmedlingen och en flyktingfamilj med ryggsäckar.
Tabbeelle ay ka muuqato calaamadda xafiiska shaqada iyo qaxooti lugeynaya. sawir: Jessica Gow/TT, Drago Prvulovic/TT

Suuqa shaqada ayaa xowli u kobcahaya iyadoo dadka mehradaha shaqo haya u sii badanayaan.

Sidaas waxaa muujinaya saadaasha xafiiska shaqada Arbetsförmedlingen oo maanta la soo bandhigi doono. 

- Magaalooyinka waaweyn ayaan ka aragnaa kobaca shaqooyinka. Marka loo kuurgalo waxa kor u qaadey tirada shaqeysa, waxaa muuqaneysa in ay kaalin ku leeyahiin dadka dibadaha ku dhashay, ayey tiri Annika Sundén oo madaxa ka ah waaxda saadaasha xaafiiska Arbetsförmedlingen.

Sida ay muujineyso saadaasha sannadyada 2017 illaa 2018 oo maanta xaafiska shaqada soo bandhigi doono, waxaa sii kordheysa tirada shaqeysa iyada oo ay ugu wacan tahay dadywoga dibadah ku dhasashay oo tirada shaqada halaysa kor u kacayso. 

Saadasha Arbetsförmedlingen waxay leedahay waxaa sii badan doona tirada shaqada heli doonta sannadyadan 2017-2018. Sida oo kalena shaqo baxiyasha ayey dhibaato ku noqon doonta helida shaqaalaha ay u baahan yahiin. Laakiin hoos u sii dhacidda tiradaha dibadaha ku dhashay ee shaqada hela ayaa istaagi doonta halkeeda maadaame tiro badan oo ah qaxooti sannadkii hore soo gashay dalka ay iska diiwaan-gelin doonaan xaafiiska shaqada kadib marka la siiyo sharciga deganaanshaha.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".