Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hindisayaal adag oo la xiriira soogalootiga Iswiidhan laga masaafurinayo

La daabacay onsdag 7 december 2016 kl 10.37
FARR: waa hindise abuuraya cabsi gelin aan loo baahneyn
(2:42 min)
Polis
Booliis. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Booliiska iyo hey’adda socdaalka ayaa si wadajir ah waxay dawladda ugu gudbiyeen hindise ah in booliiska awood loo siiyo si kadis ah in ay ku booqan karaan guryaha dadka sharciyada loo diidey degan yahiin, isla markaasna ay weydiiyaan waraaqahooda aqoonsi.

Ujeedada arrinkaan laga leeyahay ayaa ah in la kordheyso masaafurinta dadka sharciyada looga diiday balse wali ku dhuumaaleysanaya dalka gudihiisa.

Per Löwenberg oo ka tirsan taliyayaasha ciidamada ilaalada xuduudaha ayaa wuxuu yiri:

- Arrinta la taaban karo ee arrinkaan laga leeyahay waxay taha in la koontaroolo waraaqaha aqoonsiga iyo baasaboorada qaxootiga iyadoo loo marayo in lagu booqdo guryahooda si kadis ahna loo galo iyo waliba in xataa la baari karo jeebabkooda, taas oo ah arrin laga sameeyo dalka Norwey, ayuuu yiri Per Löwenberg oo ka tirsan taliyayaasha ciidamada ilaalada xuduudaha.

Dawladda dalkaan Iswiidhan ayaa xilligii guga ee la soo dhaafey waxay ka codsatey dhammaan ciidamada booliiska, hey’adda socdaalka iyo ciidamada asluubta in ay dawladda u soo gudbiyaan fikirkooda la xiriira sida ugu haboon ee dalkaan Iswiidhan looga saari karo dadka soogalootiga ah ee magangalyada ama sharciga looga diidey balse wali ku dhuumaaleysanaya gudaha dalkaan Iswiidhan.

Hindisahaan dawladda loo gudbiyey ayaa sidoo kale waxaa ku cad in dadkaas magangalyada dalkaan looga diidey Iswiidhan looga masaafuriyo isla habkii looga masaafurinayey saddexdii sano ee la soo dhaafey.

Hindisahaan ayaa sidoo kale lagu muujiyey baahida loo qabo in hey’adaha dalkaan Iswiidhan oo dhammi ka yeeshaan arrinkaas lagu dabagalayo ama lagu masaafurinayo dadkaas sharciyada looga diidey dalkaan Iswiidhan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".