Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

29 jir lagu soo oogey in uu gubi rabey masaajid Malmö ku yaal

La daabacay onsdag 7 december 2016 kl 11.34
Malmö tingsrätt.
Maxkamadda Malmö. sawir: Emil Langvad/TT

Nin 29 jir ah oo la xirey laguna tuhmey in uu danbi argagixisnimo geystey ayaa la horkeeney maxkamadda Malmö.

Ninkaan ayaa sidoo kale waxaa lagu tuhmey, laguna soo oogey in uu ka danbeeyey isku dey la isku dayey in sanadkii hore dab la qabadsiiyo, lana gubo masaajid ku yaala magaalada Malmö.

Xeer ilaaliyaha ninkaas danbiga ku soo oogtey Agnetha Hilding Qvarnström ayaa waxay tiri sidan soo socota:

-       Danbiga ninkaan lagu soo oogey wuxuu raad la leeyahay in uu ku talaabsadey fal dad gaar ah argagax lagu galinayo khaasatan urur shiico ah oo goobtaas dagan, laguna tuhunsan yahay in uu rabey in uu gubo, ayey tiri Xeer ilaaliyaha ninkaas danbiga ku soo oogtey Agnetha Hilding Qvarnström.

Ninkaan 29 jirka ah ayaa la qabtey sabtidii la soo dhaafey, wuxuuna inkirey dhammaan danbiyadaas lagu soo oogey.

Ururka Daacish ayaa horey u sheegtey in ay falkaas dabka ah ee masaajidka loo geystey ka danbeeyeen inskastoo shaki ku jiro sheegashada Daacish ee arrinkaas la xiriira.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".