Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Lacagaha argagixisada loo diro oo aan la qaban xataa iyadoo sharci cusub uu jiro

La daabacay torsdag 8 december 2016 kl 10.20
Lacagaha argagixisada loo diro oo aan la qaban xataa iyadoo sharci cusub jiro
(1:14 min)
Lacagaha argagixisada loo diro oo aan la qaban xataa iyadoo sharci cusub uu jiro
Lacagaha argagixisada loo diro oo aan la qaban xataa iyadoo sharci cusub uu jiro sawir: Björn Larsson Rosvall/TT

Hey’adaha caddaalada iyo amniga dalkaan Iswiidhan ayaan ilaa hadda isticmaalin sharcigii cusbaa ee loo dajiyey in lagula dagaalamo lacagaha laga diro dalkaan Iswiidhan ,laguna taageero ururada argagixisada.

Ilaa hadda booliiska qaabilsan dhanka maaliyadda la xiriira, ciidamada sirdoonka Iswiidhan ee Säpo iyo waliba hey’adda la dagaalanta danbiyada dhanka dhaqaalaha la xiriira taas oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano EBM, ayaan midkoodna joojin wax lacag ah oo lagu tuhunsan yahay in kooxaha argagixisada ah loo diro.

Beatrice Ask (m) oo ah gudoomiyaha guddi hoosaadka baarlamaanka dalkaan u qaabilsan arrimaha caddaalada, ayaa waxay tiri:

- Dadka oo dhammi waxay hey’adahaas ka sugayaan in ay isticmaalaan xeerka iyo nidaamka uu baarlamaanka dalkaani arrimahaas u dajiyey, ayey tiri Beatrice Ask (m) oo ah gudoomiyaha guddi hoosaadka baarlamaanka dalkaan u qaabilsan arrimaha caddaalada.

Kowdii luulyo ee sanadkii 2014-kii ayey aheyd markii hey’adaha Iswiidhan ee la dagaalanka falalka danbiyadu, heleen sharci cusub oo ay ku ugaarsan karaan dadka lacagaha u dira, iyo lacagaha loo dirayo ururka argagisada ah ee Daacish iyo ururada kalee la midka ah.

Bangiyada dalkaan iyo hey’adaha kalee maaliyadda ayaa badanaa lacagaha ay ka shakiyaan iyo qofka dirayaba waxay marwalba la socodsiiyaan ciidamada booliiska ee la dagaalama danbiyada arrinkaas la xiriira.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".