Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qaxootiga Afqaanistaan ka yimid oo sharciga loo fududeeyay

La daabacay torsdag 8 december 2016 kl 11.48
Heeyada socdaalka:"Amaan kama jiro Afqaanistaan"
(1:18 min)
Heeyada socdaalka oo sharciga u fuduudeeynaysa qaxootiga ka yimid Afqaanistaan.
Heeyada socdaalka oo sharciga u fuduudeeynaysa qaxootiga ka yimid Afqaanistaan. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Heeyada socdaalka ayaa go´aamisay in qaxootiga ka yimid Afqaanistaan, khaasatan kuwa ka mid ah dadka loo yaqaano hazaarida loo fududeeyo sharciga.

Tan ayaa ka dhigan in ay kuwani sharci meel ku gaadh ah heli karaan. Sababta ayaa ah, sida ay heeyadani u sheegtay, in amaan ka jirin Afqaanistaan labadii sanno ee ugu dambeeyay.

-Waxaan u jeedna khatarta ka jirta waddanka iyo taalibaanta halkaas ku sugan. Wakhtigii ugu dambeeyay waxaa kordhay tiradii qof ee halkaas lugu dilay, ayuu sheegay Fredrik Beijer oo dhanka sharciyada u qaabilsan heeyada socdaalka.

Sida ay xaaladu maanta tahay tiro gaadhaysa 40.000 oo qof ayaa sharci u soo raadsatay Iswiidhan islamarkaas na liiska heeyada socdaalka ku jira.

Go´aanka heeyadan ayaa khaasatan khuseeya caruuraha ,haweenka iyo qaxootiga ka mid ah dadka hazaarada ah.

Sido kale ayey u surtogalaysa kuwii hore diidmo loo siiyay in ay mar labaad sharci ka codsadaan Iswiidhan.

Go´aankan ayaa ku saabsan qaxootiga Afqaanistaan ka yimid ee Iswiidhan sharci u soo raadsaday.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".