Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

20 toogasho lagu dilay deegaanka Järva labadii sanno ee ugu dembeysay

La daabacay fredag 9 december 2016 kl 08.55
"Järva naxdin ayaa ka jirta"
(6:13 min)
Alejandro Sinisalo skadades svårt i skjutningarna i Järva medan hans 15 åriga bror omkom i samma skjutning
1 av 2
Alejandro Sinisalo waxuu si xun ugu dhaawacmay xabadey sannadkii hore ka dhacday Akalla halkas walaalkii Robin ku naf waayey.
Shacabka deegaanka Järva oo ka shiraya dhibaatada toogashada ah ee nafta badan galafsatay. sawir: Warsame Elmi
2 av 2
Shacabka deegaanka Järva oo ka shiraya dhibaatada toogashada ah ee nafta badan galafsatay. sawir: Warsame Elmi

Labadii sanno ee ugu dembeysay 20 dil toogasho ah ayaa ka dhacay deegaanka Järva ee waqooyiga qalbeed ee magaalada Stockholm.

Toogashadii ugu dembeysayna waxay ka dhacday habeynimada jimcihii la soo dhafaay maqaaxi ku taala xaafadda Rinkeby lagu dhex toogtay labo wiil oo soomaali ah

Dilalkaan toogashada ah ee soo noqnoqday ayaa ka abuuray dareen quus ah xaafadaha ay ka koobtan degaanka Järva. Shacabka ku nool xaafadahan ayaa kulmo looga arrinsano dilalkan soo noqnoqday todbaadkan oo dhawan iskugu imaanayey. Kulan kulamadaan ka mid ah oo loogu qabtay xaafadda Husby arbacadii ayaa dadkii ka soo qayb galay waxay walaac ka muujiyeen dilalka nafta badan galabsaday. Dhageyso warbaxin wariye Warsame Elmi ka soo diyaariyey kulan kamidda kulmada shacabka Järva uga arrinsanayaan dhibaatada xaafadahooda ka taagan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".