Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Urur Nazi ah oo qortey xubno cusub oo ka mid noqda

La daabacay fredag 9 december 2016 kl 10.29
Naziyiinta oo kobcahaya
(1:10 min)
Mudaharaad ay ka dambeeyeen ururka naazi-ga ah Nordiska Motståndsrörelsen.
Mudaharaad ay ka dambeeyeen ururka naazi-ga ah Nordiska Motståndsrörelsen. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Baaritaan cusub oo lagu sameeyey ururka naazi-ga ah mucaaradka Nordi-ga (Nordiska Motståndrörelsen) ayaa muujinaya in ururkaasi qoranayo xubno cusub oo ururkooda ka mid noqda.

Wargeyska Expo oo baaritaankaan sameeyey ayaa daboolka ka qaadey in boqolkiiba soddon dadka ururkaas ka mid ahi ay ahaayeen kuwo aan horey loogu aqoon in ay ka tirsan yihiin ururada xagjirka mintidka ah.

Jonathan Leman oo baaritaankaan wax ka sameeyey, kana hawlgala wargeyska Expo, ayaa wuxuu yiri:

-  Saddexdii qofba mid ka mid ah dadka ururkaas Naaziyiinta ah ee Nordis-ka ku jirey sanadkii 2015-kii soo jiteen taageerayaal cusub, waxaana arrinkaas sabab u ah iyadoo aysan jirin quwad xoog leh oo ururkaas baratanta, ayuu yiri Jonathan Leman oo ka hawlgala wargeyska Expo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".