Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Maxkamadda oo sii deysey nin lagu tuhmey argagaxisnimo

La daabacay fredag 9 december 2016 kl 11.42
25 jir
(0:52 min)
Byggnad av palatstyp
Domarens agerande granskas nu av Statens Ansvarsnämnd. sawir: HENRIK MONTGOMERY

Maxkamadda Svea hovrätt ayaa sii deysey nin 25 jir ah oo lagu tuhey in uu rabey in uu u safro goobaha ay ka hawlgalaan kooxaha argagixisada ahi.

Maxkamaddaan ayaa ah tii ugu horeysey oo nooceeda ah oo qof loogu soo oogey in uu ku talajirey, u safarka goobaha ururada argagixisada ahi ay ka hawlgalaan.

Ninkaan 25 jirka ah ayaa bishii april ee la soo dhaafey waxaa lagu qabtey garoon diyaaradeed oo dalka Turkiga laga leeyahay, waxaana boorsadiisa laga dhexheley waxyaalo ay ka mid tahay jaakadda xabadaha looga gaashaanto.

Xeer ilaaliyaha ninkaas danbiga ku soo oogey ayaa sheegey in ninkaasi rabey in uu ku biiro ururka argagixisada ah ee Nusra kaas oo ka dagaalama dalka Suuriya gudihiisa.

Ninkaan 25 jirka ah ayaa isaguna wuxuu dhankiisa ku dooday in ujeedada safarkiisu ay aheyd in uu dadka dhibaateysan uu goobaha ay joogaan ku caawiyo.

Maxkamadda Svea Hovrätt ayaa sheegtey in xeer ilaaliyuhu uusan soo gudbin caddeymo rasmi ah oo muujinaya in ninkaasi galey danbi argagixisanimo la xiriira.

Wasiir arrimaha guddaha

Wasiirka arrimaha gudaha Anders Ygeman ayaa doonaya in caalamka uu maal ku baxiyo sidii shaqsiyaadka argagaxisada ku biiro loogu maxkamadeyn lahaa waddamada ay ka dagaalamaan sida Ciraaq iyo Suuriya halkii lagu maxkamadeyn lahaa Sweden iyo Yurub intee kale.

- Waxay ahaan kartaa in la xoojiyo gaarsoorka sida dalka Ciraaq si markas suurtogal u noqoto dadka Yurub ka taga ee argagaxisada ku biira in lagu maxkamadeeyo waddamada ay dagaalada u aadeen halkii Sweden  lagu maxkamadeyn lahaa ayuu yeri Wasriika arrimaha gudaha Swede Anders Ygeman.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".