Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ardey middi lagu dhaawacayey

La daabacay måndag 12 december 2016 kl 15.30
Baabuuro iyo boliis meel taagan oo wada xaajoonaya.
Baabuuro iyo boliis meel taagan oo wada xaajoonaya. sawir: Sawirle: Johan Nilsson / TT

Maanta duhurkii ayaa la sheegay in lix qof lagu dhaawacay iskuulka Bergsjön oo ku yaala magaalada Göteborg.

- Dhowr arday oo iskuulka dhigta ayaa midi lagu dhaawacay maanta xilligii qadada, sida ay sheegtay maamulaha iskuulka Maria Kempe Olsson.

Dhacdadan oo ka bilaabatay iskuulka agtiisa, ayaa la sheey in lix qof oo ardey ku jirto la gaadhsiiyey dhawacyo fudud, sida lagu daabacay SVT.

Maamulaha iskuulkan oo SVT lahadlay ayaa sheegay in ay goobta yimaadeen 10 qof oo wejiyada qarsadey, sida ay areydu sheegeen.  

Booliska ayaa sheegey in ay jiraan dhowr qof oo lagu tuhmayo in ay gacan ku leeyihiin dagaalkan, goobtana ka baxsaday. Booliska ayaa aaminsan in dadka dagaalka bilaabay ahaayeen ardey hore iskuulka u dhigan jirtey.

Hans Lippens oo booliska u hadlay ayaa sheegey in aan weli la hubin inta qof ee denbigan ku lug leh, wuxuse sheegey in ay tuhunsan yihiin in shan qof ka qeeyb qaateen dagaalkan.

Isha/ SR

                                                                  Hinda.Osman@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".