Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kulan laga yeelanayo ka kireynta dekadaha mashruuca Nord Stream 2

La daabacay tisdag 13 december 2016 kl 10.43
Utrikesminister Margot Wallström till vänster. Slite hamn på Gotland där rör till den första gasledningen ligger på rad.
Margot Wallström ayaa la kulmi doonta siyaasiinta degmooyinka Gotland iyo Karlshamn si ay isku xog dhaafasadaan. sawir: Jessica Gow och Tobias Wallström/TT.

Wasaaradda difaaca ayaa dooneysa in aan laga kireyn dekedaha Sweden shirkadaha Rushka.

Wasiirka arrimaha dibadda Margot Wallström ayaa maanta la kulmaysa siyaasiin ka soo jeeda degmooyinka Gotland iyo Karlsham si ay ugala xaajooto in dekadaha degmooyinkan ku yaala laga kireeyo mashruuca Rushka Nord Stream 2 oo ah masshruuc lagu dhisayo tuubooyin shidaal laga hirgelinayo harada Östersjö.

Kulankan ayaa dabo socda dalabyo ka imaanaya siyaasiin garabka midig oo ka mid ah guddiga difaaca iyo weliba ciidanka difaaco oo dhamaantood doonaya in shirkadaha Ruushka aan laga kireynin dekadaha Sweden.

Xukumadda ayaa xagaagii loo gacan geliyey xog ku jirtay baaritaan ay hey’adda difaaca ku sameysay tuubooyinka shidaalka qaadaya ee Nord Stream 2 oo Ruusha hirgelinayo, baaritankas ayaa lagu yeri in haddi dekedda Slite laga kireeyo shirkadaha Ruushak ay qatar ku tahay amniga siyaasadeed ee dalka.

Kulan maanta dhex mari doona siyaasiinta Gotland, Karlshamn iyo wasiirka arrimaha dibadda ayaa ah xog is-dhaafsi.

Kireynta dekedaha ay ah arrin hoos timaada maamulka degmada aydekedda ku taalo xukumaddana aysan wax shuqul ah ku laheyn balse ay ku leedahaykeliya talo iyo xog siin keliya.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".