Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Muqalasiin labo sanno xarig ah lagu xukumay

La daabacay tisdag 13 december 2016 kl 11.19
Foto: Bertil Ericson/TT
Dhismaha maxkamdda Södertörns tingsrätt. Foto: Bertil Ericson/TT

Labo nin oo loo heystay dacwad ah muqalisnimo baahsan ayaa maanta lagu xukumay labo sanoo oo xarig ah.

Raggan waxaa loo heystay dacwad in ay ku lug lahaayeen qaxooti dhuumaaleysi lagu soo geliyey. Nin kale oo saddex ku ahaa ayaa asagana lagu helay in uu dembiga ku caawiyey raggan kaas oo lagu riday xukun shardiyeysan, sida ay tebisay TT.

Maxkamadda ayaa mid ka mid ah raggan lagu xukumay labada ee xarigga ah ku heshay in uu si muqalsinimo ah ku soo geliyey 80 qof halka mid kale lagu helay in uu shan qof muqalisnimo ku soo geliyey, kaas oo sidoo kalena lagu tilmaamay in uu madax u ahaa kooxdan dadka muqasnimada ku soo gelisa ee xukunka ku dhacay.

Sida dacwadda ku xusan kooxdaan ayaa dadka basas kaga soo qaadi jirtay magaalada Milano dalka Talyaaniga waxii laga soo bilaabo xagaagii 2014ka. Qorshahooda waxay aheyd in ay macaash ka sameeyaan maqalisnimada.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".