Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kaniisadaha oo go’aansadey isugu yeer lagu taageereyo qaxootiga

La cusbooneeyay onsdag 14 december 2016 kl 12.07
La daabacay onsdag 14 december 2016 kl 09.47
Kaniisadaha oo is-taagay taageerada qaxootiga
(2:58 min)
Antje Jackelén, baadariyadda ugu sareeysa kaniisadda Sweden.
Antje Jackelén, baadariyadda ugu sareeysa kaniisadda Sweden. sawir: Sawirle: Björn Lindgren/TT

Iyada oo loo adeegsaneyo ururinta magacyada iyo saxiixyada bulshada ayuu guddiga talo-bixinta ee kaniisadaha kala duwan ee Sweden ka jiraa dooneyaan sidii ey dawladda ugu saameeyn lahaayeen inay ku tallaabsato tallaabooyin dabac-san ee siyaasadda soo-galootiga.

13 hoggaamiye oo ka mid ah afarta nooc ee kaniisadaha Sweden ee kala ah: Luterska, kaniisadda Sweden, kaniisadaha madaxa bannaan, katoolika iyo kaniisadda ortodokiska ayaa qalinka ku duugey waxa ey ugu magac dareen isugu yeerka ciidda miilaadiga (juluppropet).

– Marka aannu u hadleeyno kaniisadaha ma aannu nihin siyaasiyiin, hase yeeshee waxaannu dooneynaa in aannu hir-gelino dhambaalka fikirrada diinta masiixiga, middaasina oo fikirka ay xambaar-san tahay ay tahay in bani’aadamka loo abuurey inay wada noolaadaan, sida ay sheegtay wadaadda ugu sarreeysa kaniisadda Sweden Antje Jackelén.

Iyada oo hadalkeedii sii wadatana waxay tiri:

In aannu qeeybsanno dhibaato iyo farxadba.

Is-bedellada la taaban karop ee aad doonaysaan waa kuwama?

– In dib loogu laabto sidii ay horay u ahayd intaan la go’aan-san xeerarkan ku meel-gaarka ah, sida ay sheegtay Jackelén.

Kaniisadda ayaa shuruudo ka kooban saddex qodob u soo jeedisay dawladda dalka maamusha. In dhallaanka iyo dhallin-yarada la siiyo ammaan iyo rajo mustaqbalka ey ka qabaan, in dhammaan dadyoowga Sweden deggenaanshaha ku hela ay ku noolaadaan noqol qoys, in laga qaado xeen-daabyada ku gudban sidii qaraabadu u midoobi lahaayeen.

Hase yeeshee dhibaatada ugu wayni waxay tahay in waddammada kale ee Yurub aaney qaabilin saamigii ku habboonaa, sida ay aamin-san tahay baadariyaddu.

– Suurtagallo ka wanaag-san oo lagu cadaadin karo Yurub waa iney jiraan oo aan aheyn oo keliya in loo dego ama la qaabilo xadka ugu hooseeya, sida ay tiri Antje Jackelén.

Ururinta magacyada iyo saxiixyada bulshada ayaa socon doona illaa iyo 31-ka bisha jannaayo ee sannadka foodda innagu soo haya ee 2017.

Isha/ Ekot.

                                                             kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".