Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

G/ku xigeenkii hore ee ururdaladeedka Turkida oo xukun lagu ridey

La daabacay onsdag 14 december 2016 kl 12.42
Barbaros Leylani och Arshak Gavafian
Barbaros Leylani û serokê Federasyona Ermeniyên Swêdê Arshak Gavafian sawir: Skämrdump från Youtube och Besir Kavak

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee ururka daladda ururrada turkida Barbaros Leylani ayay maanta maxkamadi ku ridday xukun ah isku dir qowmiyado kala duwan waxa afkan iswiidhishka lagu yiraahdo - hets mot folkgrupp.

Go’aanka maxkamadda ayaa ka dambeeyay iyada oo uu ninkani hanjabaad dil ah u gudbiyay qowmiyadda armeeniyiinta.

Maxkamadda degmada Stockholms ayaa ku xukuntay Leylani xukun shuruud la’aan ah iyo ganaax 40 maalmood ah. Fal-dembiyeedkan ayaa loo aqoon-san yahay inuu yahay mid qalaf-san.

Dembiga lagu soo oogay ninkan ayaa ka dambeeyay ereyo uu Barbaros Leylani ka jeediyay bannaan-bax ka dhacay faras-magaalaha Stockholm - Sergels Torg halkaasina oo uu kaga dhawaaqay ereyo ey ka mid yihiin ”in la laayo eeyaha armeeniyiinta”.

Qudbadda uu goobtaa ka jeediyay ayaa sabab u noqotay in laga qaado jagadii uu Barbaros Leylani u hayay urur-daladeedka ururrada turkida.

Isha/ TT.

                                                             kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".