Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Abuuris guddi howshiisu tahay ka hortagga takoorka oo la cayimey

La daabacay torsdag 15 december 2016 kl 10.04
Baare soo jeediyey in la sameeyo hay'ad takoorka ka hortagta
(0:57 min)
Bidix: Baaraha dawladda Anna Karin Lundin, wasiirka dimoqoraadiyadda Alice Bah Kuhnke iyo wasiirka tacliinta Gustav Fridolin.
Bidix: Baaraha dawladda Anna Karin Lundin, wasiirka dimoqoraadiyadda Alice Bah Kuhnke iyo wasiirka tacliinta Gustav Fridolin. sawir: Jonas Ekströmer/TT

Baaraha dawladda ayaa raba in dalkan Iswiidhan laga aasaaso hay’ad qaabilsan danbiyada takoorka la xiriira taas oo qofkii la takooraa tagi karo si dhibaatadaas looga caawiyo.

Baaraha dawladda ayaa sheegtey in hay’adda noocaas ah la sameeyaa ay ka sahlan tahay kana raqiisan tahay in qofku uu maxkamad aado.

Anna Karin Lundin oo ah baaraha dawladda ayaa iyadoo arrinkaan ka hadleysa waxa ay tiri:

-       Wey adag tahay in qofka takoor la kulmaa uu maxkamad aado isagoo aan helin caawimaad dhanka sharciga ah , caawimaadda sharciguna lacag badan ayey ku kacdaa taas waxaa sii dheer iyadoo qofka laga yaabo in uu bixiyo kharashaadkii maxkamadda uga baxay qofkii uu dacweynayey, ayey tiri Anna Karin Lundin oo ah baaraha dawladda.

Baaristaan la rabo in looga hortago takoorka ayaa waxaa la gudoonsiiyey wasiiradda dimoquraadiyadda Alice Bah Kuhnke iyo wasiirka waxbarashada Gustav Fridolin.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".