Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Löfven oo ka faalooday xaaladda gurracan ee Aleppo ka aloosan

La cusbooneeyay torsdag 15 december 2016 kl 13.40
La daabacay torsdag 15 december 2016 kl 11.56
Löfven oo walaac ka muujiyay xaaladda bulshada Aleppo
(1:36 min)
Stefan Löfven, madaxa dawladdfa Sweden.
Stefan Löfven, madaxa dawladdfa Sweden. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Jahwareerka haysta ayaa laga dareemayay Stefan Löfven, mar uu guddi hoosaadka baarlamanka ee arrimmaha EU kala xaajoonayay kulanka ay maanta oo khamiis ah magaalada Brugsel ku yeelaneyaan hoggaamiyeyaasha ururka midowga Yurub (EU).

Kulankaa ayey hoggaamiyeyaashu uga xaajoon doonaan arrimmo ey ka mid yihiin siyaasadda socdaalka iyo difaaca oo in muddo ahba ay qorsheesnayd. Hase yeeshee ay dhici karto in xaaladda cakiran ee ka aloosan magaalada Aleppo ee dalka Suuriya ay kulanka harqiso.

– Si cad haddii loo hadlo waa mid laga yaqyaqsoodo in aanay bulshadu caalamku aanay awoodin inay wax ka qabato xaaladdan.

Sida uu qabo Stefan Löfven waa in ururka EU uu gacan ka geeysto sidii bulshada ku dhaqan looga soo daad-gureeyn lahaa goobo ka mid ah Aleppo iyo in masuuliyad laga saaro dibaatooyinka carrigaa ka dhacaya maamulka dalka Suuriya iyo xulufadiisa. Inkasta oo aannu madaxa dawladda Sweden jawaab cad u hayn howlaha uu ururka EU carrigaa ka qaban karo.

Caal waa laga qabo codeeynta viitada.

Löfven ayaa carrabka ku adkeeyay in hoggaamiyeyaasha EU in muddo ahba ku sheegeyeen wada-haddalooda in xalku yahay oo keliya mid siyaasadeed. Hase yeeshee uu xalka iminka lagu jiraa yahay mid dagaal. Lofven ayaa sheegay in waxa hor-taagan uu yahay codeeynta viitada ee golaha ammaanka qarammada midoobey.

Isha/ SvT.

                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".