Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i Kronåsens industriområde med kraftig rökutveckling som följd.
(Publicerat idag kl 15.48)
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Canbaareyn xoog leh oo loo soo jeediyey Mona Sahlin

La daabacay fredag 16 december 2016 kl 09.57
Mona Sahlin oo canbaareyn xoog leh loo soo jeediyey
(1:11 min)
Kaltur minister Alice Bah.
Wasiirka dhaqanka Alice Bah. sawir: Maja Suslin/TT

Canbaareyn xoog leh ayaa waxaa loo soo jeediyey isku dubaridihii hore ee Hey’adda ka hortagga argagixisada Mona Sahlin, waxaana canbaareyntaas u soo jeediyey laba wasiir oo kala ah wasiirka dhaqanka Alice Bah iyo Hillevi Engström oo iyadu hadda ah isku dubaridaha hey’adda ka hortagga argagixisada.

Wasiirka dhaqanka Alice Bah ayaa waxay tiri iyadoo arrinkaas ka hadleya:

-       Haddii isku dubaridihii hore ay raaci laheyd wadadii dawladdu arrinkaas u jeexdey, maanta natiija fiican ayaa arrinkaas laga gaari lahaa, ayey tiri wasiirka dhaqanka Alice Bah.

Dhibaatooyinka arrinkaan la xiriira ayaa hadda aad u sii kordhey ilaa iyo intii hawshaas la bilaabey muddo hal sano ka hor ah.

Warbixinta ay dawladdu arrinkaas ka soo saartey ayaan lagu canbaareyn oo kaliya in sanadkii hore loo hawlgaley wax ka qabashada arrinkaas balse ay aheyd in la caawiyo ehelada iyo qoysaska dadka gacanta u galey ururada mintidka ah, laakiin bal wax kale iska daaye, ilaa kala bar dadkii hey’addaas soo wacay ayaan taleefoonadii ay soo direen looga jawaabin.

Isku dubaridihii hore ee hey’adda ka hortagga argagixisada Mona Sahlin ayaa ka gaabsatey in ay ka faalooto canbaareynahaas loo soo jeediyey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".