Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kakabaveh oo lugu abaalmariyay qofka sannadka

La daabacay fredag 16 december 2016 kl 15.46
"Soomaalidu xuquuq kuma leh waddanka"
(2:50 min)
Amineh Kakabaveh, xildhibaanad barlamaanka u fadhida xisbiga Vänsterpartiet.
Amineh Kakabaveh, xildhibaanad barlamaanka u fadhida xisbiga Vänsterpartiet. sawir: HENRIK MONTGOMERY / TT

Shalay galabnimadii ayuu wargeeyska magaciisu yahay Fokus shaaciyay in Amineh Kakabaveh xildhibaanad barlamaanka u fadhida xisbiga Vänsterpartiet noqonayso qofka sannadka ee joornaalkan.

Hasayeeshe sababta loo siiyay abaalmarintan maxeey tahay. Waxaa loo siiyay shaqada wanaagsan ay u sameeysay ka hor tagga xaqjirnimada iyo cadaadinta sharaf-dhowrka, waxaa af-iswiidhiska lugu yidhaahdo hedersförtryck. Waa sida wargeeysku soo qoray.

Dhanka kale ayey Amineh Kakabaveh dhowr bilood ka hor booggeeda Facebook soo dhigtay filim cunsureenaya soomaalida. Kan ayaa u jeeda in ay soomaalidu yihiin dad tuugo ah oo Iswiidhan u yimaada si ay uga faa´ideeystaan, balse wax ku soo kordhin bulshada.

Maqal Kahin Axmed siyaasi ka tirsan xisbiga Moderaterna degmadda Rinkeby-Kista ee magaalada Stockholm. Arrinka Kakabaveh ayuu dhowr jeer u gudbiyay booliska, hasayeeshe ayaa dacwooyinkan hoos loo dhigay. Wuxuu hubaa in arrinkan si kale looga doodi lahaa hadii xumaan laga sheegi lahaa qoomiyadaha kale.

-Hadii roomeerka amba dadka waddanka Finland ka yimid la caayi lahaa, dacwadani meel fog ayey gaadhi laheeyd. Laakin soomaalidu xuquuq kuma leh waddankan, ayuu sheegay Kahin Axmed siyaasi ka tirsan xisbiga Moderaterna degmadda Rinkeby-Kista.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".