Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xisbiga M oo raba in aabayaasha la siiyo fasaxyo dheeraad ah

La daabacay måndag 19 december 2016 kl 10.18
Haweenka Modaraad-ka oo raba in aabayaasha la siiyo fasaxyo dheeraad ah
(1:08 min)
Xisbiga M oo doonaya in aabayaasha loo kordhiyo wakhtiga ay caruurta guriga la joogayaan.
Xisbiga M oo doonaya in aabayaasha loo kordhiyo wakhtiga ay caruurta guriga la joogayaan. sawir: Hasse Holmberg / TT

Ururka haweenka xisbiga Modaraad-ka ayaa si cad uga horyimid siyaasadda xisbigooda, waxayna rabaan in waalidiinta dalkaan loo ogolaado qaadashada fasax bila dheeraad ah oo ay caruurahooda yar yar la qaataan.

Ururka haweenka Modaraad-ka ayaa ku doodaya in arrinkaasi uu wax ka tarayo xoojinta isdhexgalka khaasatan haweenka dalkaan dibaddiisa ku dhashey meesha dhanka kalana uu arrinkaasi siyaadinayo xoriyadda doorasho ee haweenka.

Ann-Charlotte Johnsson oo ka mid ah hogaamiyayaasha ururka haweenka xisbiga Modaraad-ka,isla markaasna xubin ka ah baarlamaanka dalkaan Iswiidhan ayaa iyadoo arrinkaas ka hadleysa waxa ay tiri:

-Wax kasta oo aan sameyn karno ayaan sameyneynaa si aan xal ugu helno mashaakilaadka aad u jeedno ee bulshada heysata, ayey tiri Ann-Charlotte Johnsson oo ka mid ah hogaamiyayaasha ururka haweenka xisbiga Modaraad-ka.

Xisbiga Modaraad-ka ayaa horey diidmo ugu codeeyey qorshayaal ay dawladdu soo jeedisey oo la xiriirey bil fasax ah oo aabayaasha la siiyo taas oo inta ay fasaxaas ku jiraan lacago ay ka qaadanayaan xafiiska khasnadda caymiska dalkaan.

Ilaa hadda ururka haweenka modaraad-ku arrinkaas go’aan kama danbeys ah kama gaarin, waxayna hawshaas si qoto dheer u gudagali doonaan xilliga gugga ee soo socda.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".