Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ururo dhallinyaro ah oo ay dawladu lacagihii sanadlaha ahaa u diidey

La daabacay måndag 19 december 2016 kl 13.05
Ururo dhallinyaro ah oo lacago loo diidey
(1:55 min)
Flera stora ungdomsorganisationer nobbas statlig stöd.
Ururo dhallinyaro oo lacagihii loo diidey.

Ururka dhallinyarada xisbiga Vänster-ka, ururka dhallinyarada muslimiinta Iswiidhan iyo ururka dhallinyarada xisbiga Sverigedemoquraadi-ga ayaa dhammaantood waxaa loo diidey lacagihii sanad walba ay dawladdu siin jirtey.

Hey’adda dalkaan Iswiidhan u qaabilsan dhallinyarada iyo arrimaha bulshada taas marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano MUCF ayaa sheegtey in ururka dhallinyarada xisbiga Vänster-ka ay wax ka qaldan yihiin maareynta dhaqaalahooda isla markaasna ay qaladaad ka jiraan sida ay u maareeyeen arrimaha canshuuraha iyo kharashaadka ururkaasi isticmaaley.

Ururka dhallinyarada xisbiga Vänster-ka ayaa horey waxaa loo siiyey lacag dhan 1,5 milyan oo karoon.

Dina Viksten Abrahamsson oo ah xogheynta ururka dhallinyarada xisbiga Vänster-ka ayaa iyadoo arrinkaas ka hadleysa waxaa ay tiri:

-       Go’aankaan abiil ayaan ka qaadan doonaa, wax kasta oo dhaqaalahayaga ku saabsanina waa noo habeysan yihiin, ayey tiri Dina Viksten Abrahamsson oo ah xogheynta ururka dhallinyarada xisbiga Vänster-ka.

Ururka dhallinyarada muslimiinta ayaa iyagana hadda ka hor waxaa la siiyey lacag dhan 1,3 milyan oo karoon laakiin waxaa hadda loo diidey lacagihii ay dalbadeen.

Ururka dhallinyarada muslimiinta Iswiidhan ayaa hadda ka hor marar kala duwan waxaa lagu eedeeyey in ay ka mid yihiin xubno aan xurmad u heyn fikradaha dimoquraadiyadda la xiriira, sida ay sheegtey hey’adda dalkaan Iswiidhan u qaabilsan dhallinyarada iyo arrimaha bulshada (MUCF).

Ururkaas dhallinyarada muslimiinta ayaa sidoo kale waxaa lagu eedeeyey in ay xiriir dhow la leeyihiin ururka akhwaanu muslimiinta.

Idaacadda Iswiidhan ayaa isku daydey in ay la xiriirto gudoomyaha ururka dhallinyada muslimiinta Iswiidhan balse taasi uma suurta galin.

Warsaxaafadeed uu soo saarey ururka dhallinyarada xisbiga Sverigedemoquraadi-ga ayaa lagu sheegey in hey’adda MUCF aysan sheegin sababta ay lacagta ururkooda ugu diidey balse uu ururku qabo in arrimo siyaasadeed lacagtaas loogu diidey taasina aysan aheyn markii ugu horeysey ee sanooyinkii hore sidaas oo kale loogu diidey lacagahaas ay dalbadeen.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".