Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Wallström oo canbaareysay falkii ka dhacay magaalada Berlin

La daabacay tisdag 20 december 2016 kl 11.54
Wallström:"Waan ka xumahay"
(1:29 min)
Wasiirka arrimaha dibada ee Iswiidhan, Margot Wallström.
Wasiirka arrimaha dibada ee Iswiidhan, Margot Wallström. sawir: Jessica Gow/TT

Wasiirka arrimaha dibadda dalkaan Iswiidhan Margot Wallström ayaa canbaareysey weerarkii ka dhacay magaalada Berlin ee caasimadda Jarmalka, waxayna sheegtey in ay muhiim tahay in loo diyaargaroobo ka hortagga falalka noocaas oo kale ah.

Ilaa 12 qof ayaa ku dhimatey suuq ku yaala magaalada Berlin ka dib markii gaadhi xamuuk ah la marsiiyey iyaga oo suuq wax laga iibsado ku sugnaa. Islamarkaas ayey tiro dhaafsiisan 40 qof ku dhaawacmeen weerarkaas.

Booliska ayaa qabtay mid ka mid ah labadii nin ee gaadhigan ku jiray. Ninka kale ayuu boolisku gaadhigan ka helay isaga oo meeyd ah. Booliska Jarmalka ayaa dhacdodan cinwaan ugu dhigay fal argagaxisnimo.

Ra´iisal wasaaraha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa dhowaan shir saxaafadeed ka sheegtay in ay iyaduna dhacodan u aragto fal argagaxisnimo. Islamarkaas na ayey u tacsiyadeenaysa dadkii halkaas ku dhintay iyo qarabadood.

Booliska waddanka Jarmalka ayaa u jeeda in ninka lugu tuhmayo in u dhacdodan ka dambeeyay ahaa sharci-doon waddanka yimid dhowaan. Hasayeeshe warbixintaas ayaan ahin mid weli la hubo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".