Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Anna Carlsted iskuduwaha cusub ee ka hortagga xagjiriinta

La daabacay tisdag 20 december 2016 kl 11.45
Anna Carlstedt.
sawir: Eva Ericsson/Sveriges Radio

Anna Carlsted ayaa loo magacaabay in ay noqoto isku duwaha cusub ee ka hortagga xagjiriinta.

Anna Carlstedt, horey waxay u ahaan jirtay guddoomiyaha ururka Laan Qeyrta Cas. Xilkan cusub waxay la wareegeysaa bisha januari sannadka 2017.

Sidoo kale wasiirka dhaqanka iyo demokaraatiyadda Alice Bah Kunke ayaa loo gacan-gelinayaa ka soo talo baxin loogu magac daray ”Värna demokrati mot våldsbejakande extremism – nationell struktur och kommunernas ansvar”.

 Xilkan ah isku duwaha dowladda ee ka hortagga rabsho wadayaasha xagjariinta ah waxaa dhawaan iska casilay Hellevi Engström oo horey u ahaan jirtay wasiir xukumaddii Fredrik Reinfeldt. Xilkan waxay ayana kalo wareegtay Mona Salin oo waqti dheer aheyd isku duwaha dowladda ee ka hortagga xagjriinta rabshoolayaasha ah. Lakiin mona Sahlin ayaa iska cashishay xilkan kadib markii ay soo baxday fadeexad dhaqaale ay ku lug laheyd.

Waxay aheyd xukumaddii alliansen ee Fredrik Reinfeldt hoggaamniyey midii hirgelisay isku duwaha ka hortagga xagjirka rabshoolayaasha ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".