Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Löfven: Murugada ayaannu la qeybsaneynaa

La daabacay tisdag 20 december 2016 kl 13.24
Madaxa dawladda Sweden, Stefan Löfven.
Madaxa dawladda Sweden, Stefan Löfven. sawir: Sawirle: Pontus Lundahl/TT

Madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven oo khudbad ka jeediyey baarlamanka sweden ayaa ku macneeyey inay tahay maalin madow ee ka mid ah maalmihii madoobaa ee sannadkan 2016. Sannad ku sifoobey waali.

Löfven ayaa farta ku fiiqay falalkii argagixisada ee ka dhacay magaalooyinka Zürich, Ankara och Baarliin.

- Dalka Sweden ayaa la qeeybsanaya murugada dadyoowgii ku wax-yeloobey, waxaannu kala qayb qaadaneynaa murugada la soo gudboonaatay. Gaar ahaan waxaannu gacan ka geeysan doonnaa  howlaha ka hor-tagga argagixisada. Falalka argagixis-nimo waa in muruq looga hor-tago, sida uu sheegay Stefan Löfven.

Isha/ TT.

                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".