Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Sweden oo wax ka qabanaysa tacadiga haysta dhallaanka

La daabacay onsdag 21 december 2016 kl 10.31
Dhallaanka ku tabaaleey-san Sweden
(4:35 min)
Milen Eyob iyo Abdullahi Mohammed oo ka qeeybqaatey baaristii dhallaanka kelinimada ku yimaada ee la wayo.
Milen Eyob iyo Abdullahi Mohammed oo ka qeeybqaatey baaristii dhallaanka kelinimada ku yimaada ee la wayo. sawir: Sawirle: Emil Langvad/TT

Cabdullaahi Maxamuud oo ku magac-dheer Cabdi Cadow, wuxuu ka howl-galaa goobaha lagu xannaaneeyo dhallaanka keli-nimada dalkan ku yimaada, sidoo kale wuxuu Cabdi Cadow ka mid yahay guddi talo bixin ka siiya hoggaanka wakaaladda socdaalka ee arrimmaha dhallin-yarada da’da yar.

Hayadda caalamiga ee qarammada midoobey waayadan dambe dhaleeceeyn ugu soo jeedisay maamulka dalka Sweden iyo in aaney sidii loo baahnaa uga soo bixin xuquuqda dhallaanka dalka ku dhaqan iyo xaqa ey u leeyihiin dhowrista xuquuqdooda bani’aadmi-nimo, sida uu sheegay Cabdullaahi Maxamuud mar uu xarunta idaacadda nagu soo booqday.

Maamulka dalka ayaa eedeeymahaa dabood ku tallaabsaday sidii uu wax uga qaban lahaa dhaleecooyinka loo soo jeediyey:

Maadaama aaney dhallaankani kalsooni buuxda ku qabin hayadaha iyo wakaaladaha dawladda ayaa mashruuc loo siiyey ururro madax bannaan oo uu ka mid yahay ururka Badbaadada Dhallaanka afkan iswiidhishkana lagu yiraahdo ”Rädda Barnen” iyo ururka Stadsmissionen. Xaggeey haddaba ka soo jeedaan dhallankan aan wax wara laga heyn noloshooda ee qaar dhuumaaleeysiga waddanka ku joogaan, qaar isaga socdaaleen, qaarkoodna aan war iyo wacaal laga heyn halka ey ku sugan yihiin. 

                                                                    Mona.ismail_jama@sr.se

                                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".