Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dadyowga magaalada Stockholm oo aan la yaabsaneeyn dhacdadii Berlin

La daabacay onsdag 21 december 2016 kl 15.30
"Dhacdadii Berlin nama saameeynayso"
(3:50 min)
Wadhato ku taala suuqa Gamla Stan ee magaalada Stockholm.
Wadhato ku taala suuqa Gamla Stan ee magaalada Stockholm. sawir: Muna Ismaaciil/SR

Isniintii ina soo dhaaftay ayaa weerar lugu qaaday wadhato ku taala magaalada Berlin ee waddanka Jarmalka. Raadiyaha Iswiidhan ayaa  booqtay wadhato Stockholm ku taala si aan u ogaano in dadka halkaas  jooga ka welwelsanyihiin dhacdo noocas oo kale ah.

Ciida kristmaska ayaa ah ciidaha ugu waaweyn ee Iswiidhan looga dabaldego, sida ta muslimka ah. Sannad walba ayaa caruuraha hadiyado loo qeybiyaa, eheladu na kulmaan.

Laba casho keliya ayaa naga xiga 24 december maalinta loo yaqaano julafton.

Waxaan ku suganahay wadhato ku taala suuqa Gamla Stan ee magaalada Stockholm. Halkaas ayey dad faro badani iskugu yimaadeen si ay uga qeeyb qaataan alaabooyinka halaas lugu iibiyo. Hasayyeshe sannadkan ayaa ka duwan kii hore.

Sniintii ina soo dhaaftay ayaa weerar lugu qaaday wadhato ku taala magaalada Berlin ee waddanka Jarmalka.

Halkaas ayey tiro gaadhaysa 12 qofi ku dhinteen ka dib markii gaadhi xamuuk ah la marsiiyay iyaga oo daawanaya alabaha lugu hayay halkaas. Islamarkaas ayey tiro gaadhsiisan 14 si khatar ah u dhaawacmeen.

Hasayeeshe fikirka ay ka qabaan dhacdodan dadka jooga wadhatada Gamla Stan maxeey tahay? Welwel in uu suuqan ka dhaco weerar noocas oo kale ah ma dareensanyihiin?

Waxaan suuqan kula kulmay Suzanne oo ka mid ah iibayaasha wadhatadan.

In kasta oo ay ka welwelsantahay dhacdo noocan oo kale ah , wexey sheegtay in ay ku khasbantahay in ay nolosheeda sii wadato, hadii kale waxaa guuleeysanaya dadka ka tirsan ururada argagaxisada.

Suzanne ayaa sheegtay in habka looga dagaalamo aduunyadu is bedeshay.

Stephanie ayaa ah gabadh u dhalatay waddanka Jarmalka, hasayeeshe Iswiidhan ku nooleeyd bilihii ugu dambeeyay. Aad bey uga xuntahay waxaa waddankeedi ka dhacay, hasayeeshe ayey sheegtay in amaan ka weyn kii ka jiray waddankeedi halkan ka dareemayso.

Fraansiiska ayaa ah waddan dhowr falal argagaxisnimo ahi ka dhaceen sannadkii ugu dambeeyay. Mid ka mid ah kuwan ayaa u eeg kii magaalada Berlin ka dhacay todobaadkan halka gaadhi xamuuk ah la marsiiyay dad magaalada Nice iskugu yimid si ay ugu dabaaldegaan maalinta qaranka waddanka. Halkaas ayey 84 qofi ku dhinteen.

Celine ayaa u dhalatay waddanka Fraansiiska. Sida Stephanie ayey Iswiidhan degantahay si ay wax u barato.

Falka argagaxisada ee Berlin ka dhacay ma la yaabsana. Diyaar baaneey u tahay in ay meel kasta ka dhici karto.

-Madama waddankeeygii ba sidan iyo si ka daran loo weeraray, maaxa wax iga yaabinaya. Laakin amaan ayaan ka dareemaya Iswiidhan, ka mana baqanayo wadhatadan halkey dad faro badani iskugu yimaadeen.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".