Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhacdooyinkii 2016 ee dalka Sweden gudihiisa ka dhacey

La daabacay fredag 30 december 2016 kl 16.04
Fadeexado, xabeyn iyo dilal joogto ah
(8:38 min)
Goobtii ay xabadeeyntu ka dhacday. Sawirle: Warsame Elmi/ SR.
2016 ayaa ahaa sannad toogasho iyo xabadeyn badnaa. Goobtaan waxay ka mid aheyd goobahii sannadkan dadka lagu qaarajiyey. Waxay ka dhacday Tensta, hal qof ayaa ku nafwaayey halka ruuxa kale si xun ugu dhaawacmay. Sawirle: Warsame Elmi/ SR. sawir: Warsame Elmi/ SR.

Sooyaalka 2016 waxaa lagu soo koobi karaa sannad wararka Sweden ay ka buuxeen fadeexad, xabadeyn, dilal iyo hey’ad bolis oo xaalkooda cakiran yahay.

Fadeexada ayey ka mid aheyd

fadeexadii Macchiarini oo ahaa dhaqtar ku taqsusay qaliinka ahaana cilmi baare sameeyey hunguri ama dhuun ka sameysan caag. Bukaan badan oo uu dhuuntay u xiray ayaa geeriyoodey. Waxaana soo baxday in farsamadan daweyn aan xataa lagu tijaabin xayawaan uuna Macchiarini ka been sheegay cilmi baaristiisa. Dacwad ah in uu sabab u ahaa geerida bukaanka ayaa lagu soo oogay, waxaan lagu helay ka been sheegid cilmi baaristiisa. Fadeexad ayaa sidoo kale waxay keentay in shaqsiyad kale oo ka tirtsanaa maamulka Karolinska is casilaan.

Shaqsiyaad badan oo is casilay

2016 intii lagu jiray waxaa badnaa shaqsiyaadka iska casilay xil ay yaheen. Waxaa ka mid ahaa Mona sahlin oo iska cashay isku duwaha dowladda ee ka hortagga xagjiriinta dhib wadayaasha ah. Is casilaadeeda ayey u sabab ahayed tuhuno saxaafadda baahisay oo ah in qoral marqaati ah oo been abuur ah u qortay waardiyaheeda qaaaska ah.

Sidoo kale Mehmed kaplan oo ka tirsanaan xisbiga miljöpartiet ayaa iska casilay jago wasiir oo uu ka hayey xukumadda kadib markii lagu eedeyey in uu la cawiiyey kooxo xagjiriin ah, Åsa Romson oo iyadan aheyd ra’iisal wasaare ku xigeen ayaa isla xisbigan Miljöpartiet ka qaadey xilkii hoggaanka ee xisbiga iyo wasiirnimadii.

Aida Hadzialic oo aheyd wasiirka kor u qaadidda waxbrashada oo lagu qabtay gaari iyadoo wada dhiigeedana ay ku jirto qamri.

2016 waxuu ku bilowday kuna dhamaaday toogasho

sannadkan 2016 waxuu sidoo kale ahaa sannad xabadeyn iyo toogasho caadiga ka baxsan ay ka dhaceen xaafadaha qoqoban ee magaalooyinka waaweyn. 

Isla maalmahii ugu horeeyey bishii januari waxaa xaafadda Akalla waqooyiga Stockholm lagu dilay wiil 15 jir ah iyadoo sidoo kale si loo dhaawacay wakiil oo ay markas la joogeen.

Waxaan xasuusanaa wiilkii 8 jirka ahaa ee booqashada Sweden ku yimid gaar ahaan xaafad ku taalo Göteborg oo goor habeyn ah reerkii uu la joogay daaqadda looga soo geliyey bombo, garaxii goobta ka dhacay uu wiilkas ku nafwaayey.

Labadii todobaad ee ugu horeysa bishan hadda dhamaadka ah ee december tirada toogashado ee naf galaafatay waxay mareysaa saddex, iyadoo cadadka waxyeelooyinka dhawacyo ka soo gaartay aysan yareyn.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".