Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Taageerada xisbiga Centerka oo kor u kacday

La daabacay torsdag 22 december 2016 kl 12.23
Wareeysiyo laga qaaday 4005 qof
(1:31 min)
Hogaamiyaha xisbiga Centerpartiet Annie Lööf.
Hogaamiyaha xisbiga Centerpartiet Annie Lööf. sawir: Jessica Gow/TT

Taageerada xisbiga Centerpartiet ayaa kor u kacday. Boqolkii ba 9.3 dadka laga wareeystay baadhitaankan ayaa xisbigan u codeeyn lahaa hadii ay doorasho ahaan laheeyd maanta.Waa sida uu sheegay tirokoob ay shirkada Novus u sameeysay TV4.

Khaasatan dhalinyarada ay da´doodu u dhaxeeyso 18-29 jir. Sido kale dadka ku dhow da´da beeshinka 50-64 jirka ayaa iyaguna taageersan xisbigan.

Dhanka kale ayey taageerada loo qaabo xisbiga Socialdemokraterna kor u kacday.

Xisbiyada ay taageeradoodu hoos u degtay ayaa ah Moderaterna oo sida ay hadda tahay taageero ka haysta  boqolkii ba 21,8 codbixiyaasha keliya. Tan ayaa ah taageeradii ugu hooseeysay ee xisbigan ilaa 2015:kii.

Sido kale xisbiga Kristdemokraterna oo iyaguna ka mid ah mucaaradka loo yaqaano Alliansen.Xisbigan ayaa ka bixii lahaa barlamaanka Iswiidhan hadii ay doorasho ahaan laheeyd maanta. Boqolkii ba 3 dadka lugu wareeystay baadhitaankan ayaa u codeeyn lahaa.

Waa in xisbi kasta haysto taageero ah boqolkii ba 4 codbixiyaasha si ay u soo galaan barlamaanka Iswiidhan.

Baadhitaankan ayaa lugu wareeystay 4.005 qof intii u dhaxeeysay 21 bishii nofeembar sannadkan ilaa 18:kii diisembar.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".