Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Cambbaarayn la xiriirta isu keenidda qoysaska oo loo gudbiyay UD

La daabacay torsdag 22 december 2016 kl 16.04
Qaxooti u banaanbaxaya sharciyada cusub ee shuruudaha ku atkeenaya.
Qaxooti u banaanbaxaya sharciyada cusub ee shuruudaha ku atkeenaya. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Way ku adag atahay dadka soogalootiga ah ee ka imanaya waddanka suuriya inay mar kale la midoobaan xubnaha qoysaskooda ee ka maqan.

Go’aanno ay dhowaan gaartay waaxda arrimaha debadda ee Iswidhan ayaa gebi ahaanba ka dhigaya mid aan suurtagal ahayn in xubnaha qoysasku ay dib u midoobaan.

Anna Skarhed oo ka tirsan waaxda caddaaladda ayaa iyadu ka biya-diidsan go’aamadan, waxaana ay sheegtay inay habboontahay in hay’adaha arrinkan u xilsaarani ay ka shaqeeyaan sidii laysugu keeni lahaa xubnaha qoysaska ee kala maqan.

-Waa in hay’adaha arrintan ku shaqada lehi ay si gaar ah uga shaqeeyaan sidii qoysaska kala maqan laysugu keeni lahaa, iyagoo ka duulaya xaquuqda ay dadka soo galootiga ahi u leeyihiin inay dib ula midoobaan xubnaha qoyskooda ee ka maqan, waana arrinkan laga dhabeeyaa- ayay tidhi Anna Skarhed.

Dadka iyagu xaqa u leh in dadkooda loo keeno waa inay tagaan safaaradaha waddanka sweden si waraysi looga qaado.

Waaxda arrimaha debedda ee Iswiidhan ayaa go’aamisay in dadka waddanka Suuriya ka imanayaa isla markaana doonaya inay u yimaadaan xubnaha/xubnaha qoyskooda ee sweden jooga ay tegi karaan oo keliya safaaradaha sweden ay ku leedahay shan waddan. Isla markaa waxay waaxda arrimaha debaddu kusoo rogtay in dadku fiisooyin u baahan yihiin si ay waddamadaas u tagaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".