Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dadka doonaya in qoyskooda loo keeno oo ay wakhti dheer ku qaadan karto

La daabacay fredag 23 december 2016 kl 07.00
Dhowr sanno
(3:27 min)
Nazo Nelabndian väntar på att få återförenas med sin familj.
Nazo Nelabndian väntar på att få återförenas med sin familj. sawir: Karin Wirenhed/Sveriges Radio

Waqti dheeraad ah ayey ku qaadan doontaa dadka dhawaanahaan sharciga ka heley dalkaan Iswiidhan in loo keeno eheladooda dalkaan dibaddiisa uga maqan.

Dadka soo galootiga ah ee dadkooda loo keenayo ayey hadda qiyaastii ku qaadataa ilaa intii sagaal bilood ah, laakiin mudadaas waqti ka sii badan ayey hadda ka dib sugi doonaan.

Nazo Nelabdian oo ka yimid dalka Suuriya ayaa ka mid ah dadka sugaya in eheladooda dalkaan dibaddiisa looga keeno, wuxuuna yiri isagoo arrintaas ka hadlaya:

Anigu ma garanayo wax iiga wanaagsan in aan qoyskeeyga la midoobo, ayuu yiri.

Laba sano iyo afar bilood ka hor ayaa Nazo Nelabdian ugu danbeysey in uu la kulmo xaaskiisa iyo labadiisa wiil oo hadda da’doodu tahay todoba jir iyo sagaal jir.

Qoyska ninkaan ayaa hadda ku sugan dalka Turkiga waxayna safaaradda dalkaan Iswiidhan ku leeyahay magaalada Ankara ee dalka Turkigu ay ka qaadey wareysiyo arrimaha sharcigooda la xiriirta, waxayna hadda hey’adda socdaalka ee dalkaan Iswiidhan ka sogayaan jawaab arrinkooda la xiriirta.

Hey’adda socdaalka ayaa Nazo Nelabdian u sheegtey in uu jawaabta qoyskiisa la xiriirtaa ay qaadan karto inta u dhaxeysa 18 bilood ilaa iyo laba sano, laakiin sidaas oo tahay wuxuu hadda jawaabtaas sugayey in ka badan muddo saddex sanadood ah.

Anders Sundquist waa sharci yaqaan, ka hawlgala hey’ad arrimaha sharciga kala talisa dadka soogalootiga ah, wuxuuna sheegey in hey’adda socdaalku aysan ahamiyadda koowaad siin arrimaha la xiriira qoysaska la isu keenayo, wuxuuna yiri isagoo arrinkaas ka hadlaya:

-Hey’adda socdaalka ayaa qiyaaseysa in horaanta sanadka 2019-ka ama 2020-ka ay dadka raba in qoysaskooda dibadda uga maqan dalkaan loo keeno jawaab ay ku siin doonaan muddada sharciga dalkaani  qabo in dadkaas jawaab lagu siiyo taas oo ah muddo sagaal bilood ah.

Håkan Jonsson ah sharci yaqaan ka hawlgala hey’adda socdaalka ayaa u qirey Ekot oo ah waaxda wararka idaacadda Iswiidhan, in ay ahamiyadda koowaad siiyaan codsiyada dadka soogalootiga ah ee dalkaa Iswiidhan iska dhiibey , waqti badana aysan u heyn qosaska loo keenayo dadka dalkaan sharciyada ka heley.

Qiyaastii dad dhan 70 000 oo qof ayaa hadda sugaya in qoysaskooda dibadda uga maqan loo keeno, balse hey’adda socdaalka ayaa qiyaaseysa in sanadka soo socda ay codsiyadaasi gaari doonaan ilaa 90 000 oo codsi, waxayna codsiyadaasi isugu jiraan kuwa la xiriira dadka qoysas ka maqan loo keenayo iyo dad raba in ay la midoobaan qof ay isjecel yihiin oo ku sugan dalkaan Iswiidhan.

Hey’adda socdaalka ayaa si ay arrimahaas u maareyso waxay sanadka 2017-ka dalbatey in la siiyo kharashaad dheeraad oo ay ku shaqaaleysiiso dad gaaraya 370 qof kuwaas oo ka shaqeyn doona arrimaha la xiriira codsiyada dadka eheladooda loo keenayo, sidaasna waxaa sheegey Håkan Jonsson oo ka hawlgala hey’adda socdaalka.

Hey’adda socdaalka ayaa qiyaaseysa in horaanta sanadka 2019-ka ama 2020-ka ay dadka raba in qoysaskooda dibadda uga maqan dalkaan loo keeno jawaab ay ku siin doonaan muddada sharciga dalkaani  qabo in dadkaas jawaab lagu siiyo taas oo ah muddo sagaal bilood ah.

Nazo Nelabdian ayaa sugitaankaas tirada badani wuxuu ku yahay mid dhib ah oo aan loo adkeysan karin, wuxuuna yiri isagoo arrinkaas ka hadlaya :

-Waxa kaliya oo aan rabaa waa in aan caruurteyda la joogo , ayuu yiri Nazo Nelabdian.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".