Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ma taqaan macnaha ereyada svajpa, funkis iyo rattsurfa?

Uppdaterat tisdag 27 december 2016 kl 15.33
Publicerat tisdag 27 december 2016 kl 11.56
ereyo cusub
(3:25 min)
Erayga Groupie oo ku soo biiray luuqadda iswiidhishka.
Erayga Groupie oo ku soo biiray luuqadda iswiidhishka. Foto: Sawirle: Christine Olsson/TT

Sannadkii ina dhaafay waxaa luqadda iswiidhishka kusoo biiray ereyo cusub. Hay’adda guddiga afka (språkrådet) ayaa liis ka samaysay ereyadan cusub.

Svajpa, funkis iyo rattsurfa ayaa ka mid ah ereyada cusub ee sanadkan.

Weriye ka tirsan raadiyaha sweden ayaa qof dumar ah weydiiyay inay hore u maqashay ereyga rattsurfa.

  • Maya, weligay ma maqal, ayay tidhi Elisabeth Forsell
  • maxaa looga jeedaa?
  • Haa, haddaan gartay - rogrogidda bogagga internetka adigoo gaariga/baabuurka dhex fadhiya ayay ku jawaabtay Elisabeth Forsell.

Waa ay saxsan tahay Elisabeth Forsell. Ereyga rattsurfa macnihiisu waa rogrogidda bogagagga internetka adigoo isticmaalaya telefoonkaaga gacanta isla markaana gaari ama baabuur wada. Tani ma aha arrin wanaagsan waayo waxa ay keeni kartaa inaad si sahlan shil u gashid.

Ereyo cusb sanad walba

Khubarada afka/luqadda ee iyagu ka tirsan guddiga afka iwiidhishka (sråkrådet) waxa ay sannad walba soo saaraan liis cusub oo ka kooban ereyo cusub oo isticmaalkoodu kusoo kordhay afka iswiidhishka. Liiska sanadkan ayay guddigu ku qoreen 37 erey.

Mid ka mid ah ereyada cusub ee sannadkani waa ereyga svajpa, kaasoo macnihiisu yahay, in farta kolba dhinac loogu dhaqaajiyo shaahsadda qalabka elektroonigga ah sida telefoonka gacanta ama (surfplatta) iyadoo bogagga internetka farta lagu baandhaynayo.

Mid kale oo ka mid ah ereyadan cusub ayaa ah svischa kaasoo looga jeedo in lacag la bixiyo ama la xawilo iyadoo la adeegsanayo aaladda erektaroonikada.

Funkis, waa erey kale oo isticmaalkiisu ku cusub yahay afka iwiidhisha. Ereygan ayaa macna ahaan looga jeedaa qofka lixaadka dhiman ama naafada ah.

Lena Lind Palicki waxa ay ka tirsantahay guddiga afka waxaana ay ka warramaysaa sida ay iyagu usoo xushaan ereyada cusub.

  • Dhinacyada aanu ka eegno ereyada marka aan xulanayno waxaa ka mid ah, sida loo isticmaalo ereyga (macnaha) iyo intee in le’eg ayaa ereyadan lagu isticmaalaa warbaahinta ama isgaarsiinta matalan, ayay tidhi Lena Palicki.
  • Waxaa dhici karta in dad badani la yaabaan marka ay maqlaan ereyadan cusub
  • sida ugu fiican ee dadka ereyadani ku cusub yihiin ay samayn karaani waxa weeye marka hore ereyga macnihiisa inay fahmaan,

ayay tidhi Lena Lind Palicki.

 

Isha/ekot.

mohamoud.mohamed@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".