Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shantii rag mid ayaa badsada cabista khamriga

La daabacay tisdag 27 december 2016 kl 16.20
Cabitaano khamri ah.
Cabitaano khamri ah. sawir: Sawirle: Matthew Mead

Shan daloolow mid ragga ah iyo sideed daloolow mid haweenka ah ayaa aad u caba khamriga, middaasina wax yeelo u tahay caafimaadkooda, sida ku cad baaris tira-koob oo ey wada-jir u sameeyeenhayadda caafimaadka bulshada iyo shirkadda wararka ee lagu magacaabo Sirén.

Halka dhanka kale ay hoos u dhacday tayada cabista khamriga ee wiilasha da’da yar, sida uu sheegtay Pi Högberg oo ka howl-gasha hayadda caafimaadka bulshada - Folkhälsomyndigheten.

– Gaar ahaan ragga guud ahaan iyo ragga da’da yar ayay cabista khamrigu uu hoos u dhac ku yimid, halka uu kuwa da’doodu 50 ka sarreeyo uu kor u sii kacayo wax xoogaa ah, sida ay sheegtay Pi Högberg.

Maxay arrintaasi uga dhigan tahay guud ahaan caafimaadka?

– Waa mid aannu la soconno in cabista khamrigu bulshada ku hayso caafimaad-darro, waana mid loo baahan yahay sidii looga hor-tegi lahaa isticmaalka xad-dhaafka ah ee khamriga, sida ay sheegtay Pi Högberg.

Deegaannada ayaa sidoo kale ku kala duwan isticmaalka khamriga xad-dhaafka ah iyo cabbidiisa. Gobolka Kronoberg ayey sheegeen dadyoowgii wareeysiyada lagula yeeshey iney 12 boqolkii dadka ku dhaqani ey khamriga u cabbaan si xad-dhaaf ah, halka tiradaa dhiggeeda ee magaalada Stockholm gaarsii-san tahay 19 boqolkiiba.

Isha/ Ekot.

                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".