Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Baraha bulshada oo ka hortegaya xagjirnimada

La daabacay onsdag 28 december 2016 kl 10.45
baraha bulshada
(1:31 min)
Bilden visar sociala medier på datorn och mobilen.
baraha bulskada sawir: Sawirqaade: Janerik Henriksson/TT

Shirkadaha iska leh war isgaadhsiinta bulshada ayaa ka hortegaya faafinta wararka xagjirka.

 

 Shirkadaha Facebook, Google, Twitter iyo Microsoft ayaa ka hortegaya xagjirnimada iyaga oo xidhaya akoonada ama ciwaanada dadka taagersan xagjirnimada. Sidookale shirkada Google ayaa dadka internetka ka eega waxyaabaha taageersan xagjirnmada, u muujinaya wax ka soo horjeeda kooxaha argagixisada. Google sida caadiga ah waxay qofka u muujisa wax ku dhow waxyaabaha uu internetka ka raadiyo. BjØrk  Ohler oo ka tirsan ururka Omelas oo ka hortaga xagjirnimada ayaa yidhi.

 - Tusaale ahaan waxa soo bixi kara muuqaal muujiranaya dad kayuu ugu jira sidii ay cunto u heli lahaayeen taas oo ka hor´imanaysa rayi ay Daacish faafineyso ee muujinaya bulsho nolol wanaagsan ku nool.

 Bilowgii december ayey ahayd markii ay shirkadaha Facebook, Microsoft, Twitter iyo Google shaaca ka qaadeen in ay ka wada shaqeenayaan ka hortegida argagixisada iyaga oo markaas isku wergelinaya waxyaabaha sida wararka ama muuqaalada muujinaya xagjirnimo. Twitter ayaa iyagu bishii augusti shaaciyey in ay xidheen 360 000 oo akoon oo ay leeyihiin dad taageeraya xagjirnimada.  

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".