Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shaqa la’aanta iyo saamaynta ay ku yeelato caafimaadka qofka

Publicerat onsdag 28 december 2016 kl 15.16
Daraasad; shaqa la'aanta
(4:02 min)
Shaqa-la'aanta iyo caafimaad darrada.
Shaqa-la'aanta iyo caafimaad darrada. Foto: Jessica Gow/TT

Shaqa la’aanta xilliga qofku da’yarta yahay waxa ay keentaa dhaawac maskaxeed oo raad ku reeba noloshiisa dambe. Sidaas waxaa lagu ogaaday daraasad laga sameeyay jaamacadda Umeå ee waddanka Sweden.

 

Shaqa la’aan lasoo gudboonaata qofka dhallinyaranimadiisa ayaa raad waara ku reebi karta noloshiisa, iyadoo aanay taasi ku xidhnayn isbedel dambe oo qofka noloshiisa ku yimaada. Sidaas waxaa sheegtay Anne Hammarström oo ah professor ka tirsan jaamacadda Umeå, kana dhigta culuunta caafimaadka guud ee (folkhälsovetenskap).

 

Anne Hammrström waxa ay noloshooda la socotay carruur dhamaysatay waxbarashada dugsiga dhexe ee magaalada Luleå sanadihii 1981kii iyo 1989kii.

Waxa ay mar kale dib ulasoo xiriirtay markii da’doodu gaartay 20 jir iyo 40 jir, iyadoo u kuurgelaysa raadka caafimaad ee shaqa la’aantii dhallinyaranimadu ay noloshooda ku reebtay.

  • Mar kasta oo ay bataan shaqa la’aanta iyo shaqooyinka ku meel-gaadhka ahi, waxaa iyana xumaada caafimaadka qofka ee dhinaca maskaxda.  
  • Su’aalo isku mid ah oo ay daraasaddu mar walba weydiinaysay dadka ayaa ahaa kuwo ku saabsan dhinacyada ; huro la’aanta, hoos u dhacsanaanta hammiga iyo welwelka.
  • Daraasadda ayaa tilmaantay in shaqa la’aanta dhallinyaradad da’doodu u dhaxayso 21- 25 sano ay horseedi karto caafimaad darro xagga maskaxda ah oo soo foodsaarta cumriga dhexe ee noloshooda.
  • Shaqa la’aantu waxa ay raad ku reebtaa nolosha qofka jir ahaan iyo maskax ahaanba, waana dhibaato aan marna qofka ka hadhayn xitaa haddii uu shaqo helo, taasina waa arrin aad u khatar ah.
  • Natiijada daraasaddani ina tusaysaana waa mid iska cad, ayay tidhi Anne Hammarström. Waxa kale oo ay intaa raacisay natiijada daraasaddani aanay ku koobnayn oo keliya midaan laga sameeyay Luleå.
  • Daraasadda aan ka qaadnay dhallinyarada Luleå waxaa iyana la bar-bar dhigi karayaa kuwo kale oo laga qaaday waddanka oo dhan- markaa natiijooyinka oo dhammi waa kuwo lays bar-bar dhigi karayo waan ay isu egyihiin, marka lag eego dhinacyada xaaladda caafimaad, waxbarasho iyo wixii la mid ah ee waddanka oo dhan, ayay tidhi Anne Hammarström.

Anne Hammarström waxa ay hore uga tirsanaan jirtay jaamacadda Umeå, waana professor iminka culuunta caafimaadka guud ka dhigta jaamacadda Uppsala.

Isha/ekot.

mohamoud.mohamed@sr.se

 

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".