Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xafadda Husby oo maanta dukaammada la xiri doono

La daabacay fredag 30 december 2016 kl 11.37
Salam Kurda
Salam Kurda sawir: Loukas Christodoulou/SR

Xaafadda Husby oo ka tir-san xaafadaha Husby ayaa maanta oo jimce ah ey mulkiileyaashu dukaammadu go’aan ku gaareen iney xiraan, middaasina oo ey ka dambeeyso ammaan-darrada nawaaxigaa ka aloo-san.

Salam Kurda, ahna guddoomiyaha mulkiileyaasha dukaammada ayaa sheegay inuu is dhiibay kolkii dukaankiisa la jabsadey.

- Middaa waxay caddeenaysaa sida aannu uga rajo dhigney howlaha siyaasiyiintayada iyo iney nooga dhaqaaqeen dembiileyaasha, sida uu sheegay Salam Kurda, oo ku talo jira inuu dukaankiisa xiro.

Xarunta ganacsiga ee xaafadda Husby ayay mulki u leedahay shirkadda guryaha ee lagu magacaabo Svenska Bostäder, oo dhowaantan biloowday dayac-tir bllaaran ee xaruntaa lagu hayo.
Madaxa laanta saxaafadda ee shirkadda Anna Arnström, ayaa sheegtay inay aad ula fajacday dhacdooyinkii ugu dambeeyay.
Idaacadda Sweden ayaa goortii ay wareeysi la yeelatay ciidanka ammaanka ee xaafaddaasi uu sheegay in aaney awood u laheyn dhacdooyinka Husby dhaqaale darro aawadii, isla-markaana aanu xalku ku jirin oo keliya tirada ciidanka ammaanka ee ka howl-gasha.

Isha/ Ekot.

                                             kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".