Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Tababarkii xirfadda magangelya doonka oo la joojiyay.

Uppdaterat fredag 30 december 2016 kl 15.07
Publicerat fredag 30 december 2016 kl 14.17
Tababarka shaqada oo la joojiyay
(3:18 min)
En annons som infördes i lokaltidningen i samband med tandvårdsskandalen i Dalsland.
Annonsen som Praktikertjänst hade i lokaltidningen i mars 2016. Foto: Privat

Waxaa gebi ahaanba meesha ka bixi doona tababarkii shaqo ee la siin jiray dadka magangelya doonka ah, kala wareegga sanadka cusub.

 

Mashruucan tababarka shaqada ayay dadku ku kasban jireen aqoon ku saabsan suuqa shaqada iyo weliba xiriir ay al yeeshaan shaqo bixiyeyaasha. In ka badan 13 000 ayaa tababarkan shaqo ka faaiidaystay sanadkan oo keliya.

 Waa inaynu iminka ahmiyadda siinnaa dadka faraha badan ee waddaka imanaya iyo kuwa deganaanshaha la siiyay inay helaan goobo shaqo oo ay ku tababartaan, sidaas waxa yiri Anders Kessling oo ah xoghayaha dawladda ee dhinaca suuqa shaqada.

 – Marka ay hay’adda socdaalku dedejiso waqtiga baarista dacwada qofka magangelyo doonka ah, waxaa markaa kordhaya dadka deganaanshaha la siiyo, taasina waxay keenaysaa inaanu u baahanno goobo shaqo oo ay dadku ku tababrtaan, ayuu intaas ku daray Kessling.

Sannadkan sii dhamaanaya oo keliya ayaa 13 300 oo qof oo magangelyadoon ah oo aan haysan deganaanshaha waddanka, laga faaiidaystay shaqadooda iyagoon wax dhaqaale ah la siin. Hadda waxa gebi ahaanba la joojinayaa barnaamijkan tababarka xagga shaqada ee dadka soo galootiga ah, inkastoo Anders Kessling uu isagu weli ku adkaysanayo inay tani siyaabo badan wax-ku ool ugu ahayd dadka iyagu waddanka ku cusub.

 Joojinta barnaamijkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii goobaha tababarka shaqada lagu eedeeyay inay iyagu dadka u isticmaalayaan sidii xoog shaqo oo bilaash ah.

Tan bedelkeeda ayaa noqon doonta in dadka la siiyo koorsooyin waxbarasho, macluumaad dheeraad ah iyo tallaabooyin kale oo ku saabsan isku duwidda arrimaha dadka magangelya doonka ah.

 

Marka la dedejiyo waqtiga baarista dacwada qofka magangelya doonka ah, waan in ahmiyadda koowaad la siiyaa kuwa la siiyay deganaansha waddanka. Inkasta oo ay hadda waqtiga baaristu dacwaddu qaadato in ka badan 4- 5 bilood, haddana taasi waa yool aan hiigsanayno. Waana mid aan kalsooni ku qabo, ayuu sheegay Anders Kessling.

 Gabriella Strååt waxa ay ka tirsan tahay maamulka gobolka Värmland. waxaana ay dowladda u qaabilsan tahay howlaha maamulka ee arrintan ku aaddan. Waxa ay aaminsan tahay in xilligan ay xukuumaddu lasoo daahday go’aankan cusub, hase ahaatee aanay iyadu qof ahaan wax welwel ah ka qabin.

 Waan tan Gabriella Strååt oo arrintaa ka hadlaysa;

– Waa loo qaadan karaa sidaas, laakiin tani waxa weeye howl aannu dhowr sano soo wadnay. Waxa annu sannadkan soo kordhinaynaa waxa weeye holwlo isku duwid ah oo dheeraad ah iyo dhaqaale wax lagaga qabanayo howlaha bulshada rayadka ah, ayay tidhi Gabriella Strååt.

 

Isha/ekot.

 

mohamoud.mohamed@sr.se

 

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".