Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Waalidiin lagu dacweeyay dalbasho dhaqaale been ah

La daabacay måndag 2 januari kl 09.57
1000 walidiin ayaa hadda la baadhaya
(3:23 min)
ett barn på dagis
dalbasho dhaqaale qaldan sawir: sawir qaade: JESSICA GOW / TT

In ka badan 1000 waalidiin ah ayaa boliiska lagu dacweeyay ka dib markii lagu eedeeyay inay ka been sheegeen inay shaqada uga baaqdeen iyagoo sheegay ilmaha oo xanuunsan darteed ka dibna ay hay’adda qasnadda caymisku siisay caawinaad dhaqaale.

Niklas Löfgren waxa uu hay’adda qasnadda caymiska u qaabilsan yahay dhaqaalaha qoyska, waxaana uu ka warramayaa xakamaynta ay ha’adda caymisku soo rogtay.

–Waxaan ogaanay in wax qabadkayagu ku xidhan yahay hadba inta keys ee aan sannadkii qabano, annagoo markaa baadhitaan ku samayna keyaskaas.

– Waxaa kale oo aan samaynaa inaan booliska ku wargelino kuwa aan ka shakino annagoo isla markaana ka dalbanna inay lacagtaas dib u bixiyaan waalidiintu, ayuu yidhi Niklas Löfgren. 

Markii ay hay’adda qasnadda caymisku qaaday shuruuddii ay hore ugu xidhi jirtay waalidka oo ahayd inay caddayn ka keenaan Iskuulka ama xannaanada ilmaha ayaa taas bedelkeeda waxa ay ha’addu kordhisay dabagalka ay ku samayso waalidiinta ayagu soo dalbada lacagaha dhaqaalaha ilmaha.

Dacwooyinka waalidiinta laga gudbiyay ayaa kordhay. ilaa iyo 21kii decembar ee sannadkii hadda dhamaaday ee 2016 ayaa boliiska loo gudbiyay 1047 dacwo oo ka dhan ah aabbayaal iyo hooyooyin looga shakiyay inay ka been sheegeen dalbashada lacagahan, halka sannadkii 2014 kii ay tirada dacwooyinkan oo kale ahi ay ahaayeen 224 oo keliya.

Sannadkii 2014kii aya hay’adda caymisku soo af-jartay 1700 oo keys oo arrintan la xiriirta, halka sannadkii 2016kii ay soo af-jartay 3000 oo keys.

Dacwadahan laga gudbiyay waalidiinta ayaa la sheegay in 55% ay ahaayeen hooyooyin , halka 45% ay ahaayeen aabbayaal.

Su’aal radio sweden weydiiyay sida ay waalidiintu u qaadan karaan lacagta xannaanaynta ilmaha iyagoo shaqaynaya?

Waa kan mar kale Niklas Löfgren oo su’aashaas ka jawaabaya

–Kuwa iyagu in badan sameeya dalbashada qaldani waxay Hay’dda qasnadda caymiska ku wargeliyaan inay ilmo xanuunsanaya guriga ku hayaan muddo wiig ah iyagoo islamarkaana shaqaynaya. Sidaas ayay markaa ku helaan lacagtii mushaarka ahayd iyo tii ay qasnadda caymiska dadweynuhu ay siisay.

Qasnadda caymiska dadweynaha ayaa iyadu bilawday tallaabooyin ay kaga hortagayso dadka iyagu siyaabaha qaldan u qaata lacagaha caymiska dadweynaha, iyadoo joogtaysay dib baaris joogto ah la xiriirta dalbashada lacagahan.

 

Isha/ekot.

                                                mohamoud.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".