Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Iswiidhan oo xubin ka noqotay goolaha amaanka ee QM

La daabacay måndag 2 januari kl 10.57
Haweenka iyo dhaq-dhaqaaqa nabadgeliyo
(1:14 min)
Goolaha amaanka ee Qaramada Midoobay.
Goolaha amaanka ee Qaramada Midoobay. sawir: Stephen Chernin

Maanta ayaa ah maalintii ugu horreeysay Iswiidhan in ay soo fadhiisato goolaha amaanka ee Qaramada Midoobay, waxaa af-iswiidhishka lugu yidhaahdo ”FN:s säkerhetsråd”

Tan ayaa ka dhigan in ay Iswiidhan ku jiri doonto 15:ka waddan ee xubinta ka ah goolaha amaanka labada sanno ee fooda inugu soo haya.

Bishan aan ku jirno ayey Iswiidhan saameeyn weyn ku yeelan karta shaqada halkaas laga qabanayo madama ay go´aamin doonto suaalaha xooga la saarayo.

Iswiidhan ayaa doonaysa in xal loo helo si loo joojin lahaa dagaalada aduunka ka socda iyo si haweenka loogu dari lahaa dhaq-dhaqaaqa nabadgeliyo.

Sido kale in la sameeyo hab cusub oo wadamadda ku talo jira in ay diidmo saaraan(veto) qaar ka mid ah qorshaha shuruudaha lugu sii atkeeyo.

Mid ka mid ah su´aalaha ay Iswiidhan doonayso in xooga la sii saaro ayaa ah dagaalka waddanka Suuriya oo hadda muddo lix sanno ah soconayay. Hasayeeshe ayey wadamadda qaar, tusaalahaan Ruushka, diidmo saareen dhowr go´aan oo ka hadlaya si dagaalkan iyo ra´iissal wasaaraha waddankan Bashar al Assad loo joojin lahaa.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".