Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Cabdiqani: Baahidii way ka ballaaratay howlihii tababarka

La daabacay torsdag 5 januari kl 16.01
7-10 sarkaal ayaa Sweden kaga sugan Soomaaliya iyo tababarka ciidammada
(6:14 min)
Abdikani Jama Mohamed, styrelseledamot för somaliska riksförbundet.
Abdikani Jama Mohamed, styrelseledamot för somaliska riksförbundet. sawir: Sawirle: Kenadid Mohamed@sr.se

Ciidammada EU kaga sugan Soomaaliya ee magacooda loo soo gaabiyo EUTM ayaa dhowaantan loo kordhiyey muddadii ey dalka ku sugnaan lahaayeen illaa iyo gabagabada sannadka 2018.

Dalka Sweden ayey goobtaa kaga sugan yihiin ciidan ay tiradiisu u dhexeeyso 7-10 sarkaal, hase yeeshee muddo sannad ah illaa iyo gabagabada sannadkan bilowga ah ee 2017. Wixii intaa ka dambeeyana ay tahay in dawladda Sweden go’aan ka gaarto in la sii kordhiyo iyo in kale, sida uu noo sheegay Dennis Hedström, ahna madaxa ciidammada EU – eutm kaga sugan magaalada Muqdisho.

Cabdi qani Jaamac Maxamed, wuxuu xubin ka yahay hoggaanka howl-fulinta ee ururka daladda ururrada Soomaaliyeed. Cabdiqani Jaamac ayaannu haddaba su’aalo ka weeyndiiney sida ay ula muuqato joogitaanka ciidammada eutm guud ahaan iyo gaar ahaan ciidammada Sweden:

  

Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.