Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Nin ka been abuuray Zlatan oo la xukumay

La daabacay måndag 9 januari kl 15.03
24.000 oo koroon
(1:01 min)
Ulf Karlsson oo maxkamadda ka soo baxay.
Ulf Karlsson oo maxkamadda ka soo baxay. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Ulf Karlsson ,kabtankii hore ee tartamayaasha ciyaaraha guud ee fridrott, ayaa maanta lugu xukumay in u been ka abuuray cayaaryahaanka kubada ee Zlatan Ibrahimovic.

Wuxuu u jeeda in Zlatan qaatay madooyin sharci darro ah si u kor ugu qaado natijadiisa waagi uu u ciyaari jiray kooxda Itaaliyaaniga ah ee Juventus.

Karlsson ayaa hore u sheegay in uu la yaabsanyahay in ay 10 kilo u korodhay Zlatan muddo sannad ah, taas oo aan macquul ahin hadii la isticmaalin daroogoyinka sharci darroda ah, waxaa af-iswiidhishka lugu yidhaahdo doping, ayuu yidhi Karlsson.

Hasayeeshe ayey maanta maxkamada gobolka Värmland Karlsson ku xukuntay ganaax gaadhaya 24.000 oo koroon. Sababta ayaa ah in beentani saameeysay sumcada Zlatan Ibrahimovic.

Sven-Erik Alhem oo xeer ilaaliye ahaan jiray, balse hadda shaqada ka fadhiistay, ayaa xukunka maxkamadda u arka mid sax ah:

-Waa xukun aan filanayay, go´aan sax ah ayey maxkamadu gaadhay, ayuu sheegay Sven-Erik Alhem.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".