Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hogaamiyaha booliska gobolada konfuurta oo is casishay

La daabacay måndag 9 januari kl 15.32
Habka ay Stenberg u hogaamisay booliska
(0:48 min)
Hogaamiyaha booliska gobolada konfuurta, Annika Stenberg, ayaa go´aansatay in ay iska casisho hawsheedii.
Hogaamiyaha booliska gobolada konfuurta, Annika Stenberg, ayaa go´aansatay in ay iska casisho hawsheedii. sawir: Maja Suslin/TT

Hogaamiyaha booliska gobolada konfurta Iswiidhan, Annika Stenberg, ayaa sheegtay in ay sida dhakhsada ugu badan hawsha ay u hayso booliska halkaas iska casili doonto.

Stenberg oo ilaa ay sannadkii 2015:kii shaqadan bilaabtay dhowr jeer la dhaleecayay ka dib ay laba qof oo ka yimid shaqadeedi hore ee heeyada cashuurta uga shaqaaleeysiiyay iyada aan shaacin in ay shaqooyinkani banaan yihiin.

Dhanka kale ayey shaqaalaha ka shaqeeya booliska gobolada konfurta dhaleecayeen habka ay Annika Stenberg u hogaamisay shaqada booliska wakhtigii ay halkaas ka shaqeeynaysay.

Klas Friberg, hogaamiyaha booliska gobolada galbeedka, ayaa la wareegaya shaqada Annika Stenberg inta booskan loo helayo qof kale.

 

 

Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min spellista".