Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shahaadooyinka ardayda iskuulka oo aan natijo soo kordhin.

La daabacay tisdag 10 januari kl 11.03
ilaa iyo 2012:kii
(1:20 min)
Ilaa iyo 2012:kii ayaa ardayda fasalka 6:aad dhigta shahaado la siinayay.
Ilaa iyo 2012:kii ayaa ardayda fasalka 6:aad dhigta shahaado la siinayay. sawir: Jessica Gow/TT

Ilaa iyo waagi loo bilaabay ardayda fasalka lixaad dhigta in shahaado lugu siiyo madooyinka kale duwan ayey macallimiinta iskuulada u fududaatay in ay ogaadaan kuwa taageerada dheeraadka ah u baahan.

Hasayeeshe ayaa baadhitaan ay heeyada waxbarashada ee Skolverket laga ogaaday in caruurahani taageeradan ka helin macallimiinta iskuulka.

In caruuraha fasalka lixaad dhigta shahaado lugu siiyo waxbarashadooda ayaa bilaabay 2012:kii.

Baadhitaan ay heeyada waxbarshadu sameeysay ayaa laga arkay in boqolkii ba 48 ka mid ah macallimiinta dareemayaan in ay u caddaatay kuwa u baahan cawimaad dheerad ah iyo kuwa aan u baahneeyn.

Islamarkaas ayuu baadhitaanka heeyadani muujinaya in tiroda caruur ee caawimaadan ka helay macallimiinta kordhin ila iyo 2012:kii.

Cecilia Sandberg oo ah madaxwaxeed ka hawlgasha heeyada iskuulka ayaa khatar u aragta in caruuraha taageerada dheeraadka ah u baahan laga caawin waxbarashada.

Dhanka kale ayaa isla baadhitaankan laga arkay in boqolkii ba 80:tan caruuraha la wareeystay sheegeen in shahaadadu saameeyn wanaagsan ku yeelatay waxbarashadooda, khaasatan ardayda hammiga badan haysta.

 

Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min spellista".