Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ammaan-darrada haweenka oo kor u kacday Sweden

La daabacay tisdag 10 januari kl 12.07
Bilden visar polisspär
Borqolkiiba 30 ayaa dumarka cabsi ka qaba in denbi lagulo kaco. sawir: Johan Nilsson/TT

Golaha ka hortaga denbiyadda ee magacooda loo soo gaabiyo Brå ayaa ku sheegtay warbixintooda sanadlaha ah in is´aamin la´aanta iyo baqdintu ku soo kordhayso waddankan.

31% dumarka iyo 10% raga ayaa lagu sheegay warbixinta in ay ka cabsanayaan in denbi lagulo kaco. Dumarka ayaa la sheegay in ay ka cabsanayaan in lagulo kaco jidhdil guryahooda ama in banaanka lagu weeraro. Sababta ayaa lagu sheegay denbiyadda kufsiga oo kordhay 1.7% laga soo bilaabo 2014.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegey in kalsoonida lagu qabo booliska ay 4% hoos u dhacday. Erik Wennerström oo ah gudoomiyaha golaha ka hortaga denbiyada ayaa ku tilmaamay warbixintan mid welwel leh.

Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".