Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shaqaalaha TV-ga Sweden oo shaqooyinkoodii ugu noqday

La daabacay tisdag 10 januari kl 14.09
Bilden visar två journalister utanför TV-huset i Göteborg.
Shaqaalaha TV-ga iyo idaacada Sweden oo dib shaqadoodii u bilaabay. sawir: Sawirqaade: Thomas Johansson/TT

Shaqaalaha TV-ga iyo idacadaa Sweden ee magaalada Göteborg oo shaqooyinkoodii dib u bilaabay, kadib markii boolisku baadhay warqad loo maleeynayey in sun lagu soo diray.

Wakaalada wararka ee TT ayaa daabacday in shaqaalaha idaacadda iyo TV-ga Sweden ee magaalada Göteborg dib u bilaabeen shaqadoodii, kadib markii boolisku xaqiijiyey in aneey ku jirin wax halis ahi warqadii loogu hanjabay goobtan.

Saacadu markay ahay 9:kii subaxnimo oo ayaa shaqaalaha TV-ga SVT iyo idaacada Sveriges Radio lagu amray in ay ka baxaan xafiisyadooda kadib warqad hanjabaad ah oo ay ku jiraan wax loo maleeyey sun halis ah.

Booliska ayaa inkasta oo ay sheegeen in anay warqada ku jirin wax halis ahi. hadana u arka dhacdadan mid aan loo dulqaadan karin, waxanay bilaabeen denbi baadhis lagu raadinayo dadkii kadanbeeyey hanjabaadan.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".