Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Iswiidhan oo hogaamisay shirweeynaha goolaha amaanka

La daabacay tisdag 10 januari kl 16.56
Dagaalada aduunka ka socda
(1:09 min)
Margot Wallström wasiirada arrimaha dibada Iswiidhan iyo Antonio Guterres xoghaya guud ee Qaramada Midoobey.
Margot Wallström wasiirada arrimaha dibada Iswiidhan iyo Antonio Guterres xoghaya guud ee Qaramada Midoobey. sawir: Pontus Höök/TT

Wasiirada arrimaha dibada Iswiidhan, Margot Wallström, ayaa dhowaan bilaabtay shirkii ugu horeeyay sannadka goolaha amaanka ee qaramada midoobey, af-iswiidhish "FN:s säkerhetsråd".

Iswiidhan ayaa labada sanno ee fooda inugu soo hayya kursi ku leh goolaha amaanka, ahna waddanka shirweeynahan hogaaminaya maanta.

Margot Wallström ayaa halkaas ka sheegtay in ay doonayso in xal loo helo si loo joojin lahaa dagaalada aduunka ka socda iyo si ay haweenku uga mid noqon lahaayeen isbedeladda nabadgeliyo ee la rabo in aduunka laga arko, khaasatan dagaalka Suuriya oo muddo lix sanno ah hadda socday.

Sido kale ayey Margot Wallström hogaamiyaha shirkani soo dhaweeysay Antonio Gutterres xoghaya guud ee qaramada midoobay. Gutterres ayaa dhowaan shaqadan kala wareegay Ban Ki-moon.

 

Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.