Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Doodda baarlamanka oo ay hareeysay xaaladda ammaandarrada

La daabacay onsdag 11 januari kl 08.57
La cusbooneeyay onsdag 11 januari kl 12.58
Fikirro la isku hardiyo lama la'ayn
(5:13 min)
Baarlamanka.
Baarlamanka. sawir: Jessica Gow/TT

 

  • Welwel iyo falalka argagixisnimo ayaa hareeysay dooddii ugu horreysay ee hoggaamiyeyaasha xisbiyada.
  • Hoggaamiyaha xisbiga M Anna Kinberg Batra ayaa doodda ku gashay iyada oo taageeradeedu hoos u socoto.
  • Annie Lööf, hoggaamiyaha xisbiga Center-ka, oo iyadu taageeradeedu kor u sii socoto.

- Sannadkii tagay ee 2016 ayey dad badni ku xasuustaan inuu ahaa sannad ammaan-darro, sida uu sheegay madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven, mar uu saaka sagaalkii subax-nimo furay dooddii ugu horeeysay sannadka 2017 ee baarlamanka dalka ku dhex marta hoggaamiyeyaasha xisbiyada xubnaha ku leh baarlamanka Sweden 

Löfven ayaa ereyadiisa ku wajahay dhammaan cid walba oo ammaan-darro dareemaysa.

- Waxaan la hadlayaa cid walba oo ku dhaqan nawaaxi ey hareeyeen dembiyo ka dhaca, oo aan awoodin inay suuqa u baxaan. Waa ammaan-darradaa middaa aannu dooneyno sidii aan u wejihi laheyn, sida uu sheegay Stefan Löfven.

Löfven ayaa khudbaddiisa ku soo qaatay arrimmaha la xiriira ”dhismaha bulshada”, in dadyoowga rajada dhigey dib loogu soo celiyo rajadii ey lumiyeen, isla-markaana lagu ammaano dadyoowgii dalka dhismihiisa gacanta ku lahaa. Welwelka loogama hor-tago farqiga kala duwanaanta dabaqadaha oo kor u kaca iyo mushaarooyinka oo hoos loo dhigo.

Xeerarka ciqaabta oo la adkeeyo

- Iminka waxaannu adkeeyn doonnaa dembiyada la xiriira isticmaalka hubka. Ciddii hub dibadda la mareeysa waa inay ogaataa inay muddo sannooyin ah qaadan doonto inta uu reerkiisa kula kulmi doono meel ka bax-san xabsiyada.

Stefan Löfven ayaa sidoo kale sheegay in la afar jibbaari doono dembiyada la xiriira miinooyinka dibadda lala marayo.

- Dhismaha bulshadayada waa in laga nadiifiyo kooxaha dembiyada ku midooba, waxa afkan iswiidhishka lagu yiraahdo ”organiserade brottslingar”.

Sidoo kale hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna (M), Anna Kinberg Batra ayaa khudbaddeedii ku bilowday ammaan-darrada, falalka argagixisada iyo adduun uu ammaankiisu ka sii xumaaday. Iyadoona caga-dhigatay 130-ka xaafadood ee lagu tilmaamo iney bulshada inteeda kale ka faqooqan yihiin, goobahaasina oo shaqa-la’aantu aad u sareeyso, isla-markaana ey bulshada ku dhaqan badankood ku nool yihiin dhaqaalaha cayrta.

Koolkoolinta ha la joojiyo

- Waa in aannu ka gudubnaa koolkoolinta dadyoowga caadada ka dhigtay iney ku dul noolaadaan dadyoow kale iyaga oo weliba shaqeey-san kara, sida ay sheegtay Anna Kinberg Batra iyadoona ku dhaleeceeysay xisbiga Socialdemokraterna in siyaasaddiisu salka ku hayso sidii dadka shaqeeya looga soo qaadi lahaa dhaqaale, loona siin lahaa dad aan shaqeyn.

- Shaqadu waa inay noqoto mid lagu macaasho. Waana habka keliya ee lagaga bixi karo faqooqnaanta. Sweden dhammaan waa in laga shaqeeyo.

Hoggaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna Jimmie Åkesson wuxuu khudbaddiisii ku bilaabay inuu gacmo furan ku soo dhoweeyo dadyoowga ka dhiidhiyay kooxaha siyaasiyiinta liberaalka ee kuraasta ku sal-ballaarsaday ee qaaradda Yurub. Wuxuu sidoo kale soo dhoweeyay siyaasadda gaagaxday ee dhanka socdaalka (soo-galootiga). Halka uu dhanka kale ku dhaleeceeyay dawladda safka dheer ee loogu jiro dar-yeelka caafimaad, shaqa la’aanta sarreeysa iyo kor u kaca dembiyada dalka ka dhaca.

- Dawladda dalka ka talisa ayaan awood u lahayn sidii bulshada dalka la isugu hayn lahaa. Sweden waxay u baahan tahay hoggaan cusub ee masuuliyad ka qaadi kara dhibaatooyinka dalka ka aloosan., sida uu sheegay Jimmie Åkesson.

Dembiileyaasha oo nolosha lagu adkeeyo

Hoggaamiyaha xisbiga Miljöpartiet Gustav Fridolin ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii ciqaabta loogu adkeeyn lahaa dembiileyaasha iyo in faqooqa la baabi’iyo.

- Kartida dhallin-yarada waa in loo isticmaalo goobaha shaqada ee aan loo isticmaalin falalka dembiyada, sida uu sheegay.

Hoggaamiyaha xisbiga Center-ka Annie Lööf ayaa sidoo kale ka hadashay ammaan-darrada dalka ka aloosan, middaasina oo salka ku heeysa shaqa la’aanta iyo kor u kaca kala duwanaanta bulshooyinka iyo gobollada.

- Waxay salka ku haysaa xaaladda adag ee ciidanka ammaanku ku sugan yahay, khasabka iyo falalka xatooyada ee magaalooyinka loogu baqoolo, caqabadaha ka aloosan hab-nolol wanaagga, iskuullada, goobaha xannaanada waayeelka, bukaan-socodka oo ey ugu wacan yihiin siyaasadda dawladda ee ku dhisan weerarka ay ku hayso kala doorashada madaxa bannaan, sida ay sheegtay Annie Lööf.

Lööf ayaa sidoo kale ku dhaleeceeysay madaxa dawladda in aannu masuuliyad iska saarin ammaan-darrada ku habsatay siyaasadda ammaanka dalka.

- Maahan wax la aqbali karo in la iska dheereeyo fikirrada cad cad sidii loo adkeeyn lahaa difaaca. Masuuliyaddu waa waajib.

Sinnaan la’aanta

Hoggaamiyaha xisbiga Vänster (V) Jonas Sjöstedt ayaa khudbaddiisii shanta daqiiqo ahayd wuxuu diiradda ku saaray sinnaan la’aanta.

- Dad badan ayaa Sweden ku sugan nolol wanaag-san, halka dhanka kale ey dad badan quursi ku tahay inay maqlaan in Sweden wanaag loogu wada nool yahay, sida uu sheegay Jonas Sjöstedt, ereyadaasina oo uu uga gol lahaa ereyadii madaxa dawladda ee ahaa in dhaqaalaha dalku uu iminka marayo heer sare.

Sjöstedt ayaa rajeeynaya in xisbigiisa iyo xisbiyada dawladda ku bahoobey ey iska kaashadaan sidii loo joojin lahaa nidaamka macaashka adeegyada hab-nolol wanaaggaa iyo sidoo kale in dawladdu cashuur ku soo rogto ra’sumaalka iyo canshuurta oo lagu kordhiyo dadyoowga qaata mushaarooyinka sarsare.

God madow

Hoggaamiyaha xisbiga Liberalerna (L) Jan Björklund wuxuu khudbaddiisa ku bilaabay iskuullada, isagoona sheegay in wr-bixintii ugu dambeeysay ee kor u kaca tacliinta dhallaanka ay muujineeyso in lagu guuleeystay siyaasaddii garabka Midig ee tacliinta.

- Stefan Löfven iyo Gustav Fridolin, siyaasadda iskuulka waad u khaldanaydeen, khalad, khalad, sida uu sheegay Björklund.

Wuxuu sidoo kale dawladda ku dhaleeceeyay in aanay maal-gelin ku filan siinin difaaca. 

- 1997 miisaaniyadda wasaaradda difaaca ayaa u dhigantay 2% ee BNP-da, iyada oo aanu dalku halis ku jirin. Sannadka ayay miisaaniyaddaasi hoos loo dhigi doonaa 1%. Go’aammadii difaaca ee sannadkii 2015 ayaa ahaa sidii god madow oo kale. Dawladdu way curyaantay oo waxba ma qaban karto. Halkii miisaaniyad dheeri ah looga qoondayn lahaa waxaa la aasaasay guddi ka soo baaraan dega muddo saddex sannadood ah, sida uu sheegay Jan Björklund, hoggaamiyaha xisbiga Liberalerna.

Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".